Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Ansixiyey Xeerka Isgaadhsiinta.

0
Monday August 21, 2017 - 15:59:54 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo Ansixiyey Xeerka Isgaadhsiinta.

    Hargeysa(AFKA):-Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xeerka isgaadhsiinta ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xeerka isgaadhsiinta ee dalka.

Xildhibaanada aqalka sare ee soomaaliya ayaa hore warbixin uga dhagaystay wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Eng Cabdi Cashuur Xasan, kaas oo xeerkan hor geeyey xildhibaanada.Fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanada aqalka sare ee soomaaliya oo uu gudoominayey gudoomiyaha aqalkaasi Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayey xildhibaanadu isku raaceen ansixinta xeerka isgaadhsiinta.

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa dhinacooda labadii fadhi ee ugu dambeeyey dood ka yeeshay xeerkan.

Fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanada aqalka sare oo ay ka soo qayb galeen 40 xildhibaan ayaa 39 ka mid ahi waxay ogolaadeen in


la ansixiyo xeerkan isgaadhsiinta, halka gudoomiyuhuna aanu codayn.

 

Xeerkan ayey hore u ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabku, waana xeerkii ugu horeeyey ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka soomaaliya.

Xeerkan ayaa dhaqan gal noqon doona marka uu saxeexo madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.