wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi cali x.xasan iyo Xog Waranka , Kulankii Xalay ee bandhiga horumarka wadooyinka

0
Monday February 24, 2014 - 15:17:01 in by Super Admin
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi cali x.xasan iyo Xog Waranka , Kulankii Xalay ee bandhiga horumarka wadooyinka

    "ka Qaybqaado Waddooyinka Dalka, Aduunkana waa kuu Horumar Aakhirana waa kuu Sadaqad" wasiirka madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ka Qaybqaado Waddooyinka Dalka, Aduunkana waa kuu Horumar Aakhirana waa kuu Sadaqad" wasiirka madaxtooyada
Wasiirka madaxtooyada ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa facebook iyo bloggiisa gaaraka ah cinwaan uga dhigay ,Xog Waranka , Kulankii Xalay.

 
"ka Qaybqaado Waddooyinka Dalka, Aduunkana waa kuu Horumar Aakhirana waa kuu Sadaqad.

Salaan qiimo badan kadib, xalay waxuu ahaa kulan qiimo badan oo akhyaar iyo asxaab isku soo garbo buuxiyeen in ay goob jog ka noqdaan bandhiga qalabkii waddooyinka ee dhawaan ina soo gaadhay iyo sidoo kale qarashkii naga soo gaadhay dadweynaha iyo baaxada uu leegyahay

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaha S.W.T, dareenka hirgalinta jidka Ceerigaabo ku ilhaamiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland , isla markaana waafajiyey in uu dhagaxa bilowgeeda dhigo.

Sidoo kale waxaa amaan iyo sharaf mudan dadkii u guntaday in ay himiladaas xaqiijinteeda rumeeyaan oo heegaan iyo hawl uugu jira ila hadda

Waxaan caawa si gaar ah u mahadcelinayaa Boqor Buurmadow oo boqol awr ku balan qaaday in uu kaga qayb qaadanayo jidka laga hirgalinayo Togdheer – Sanaag

Jidkan Ceerigaabo waxay ahayd riyadii iyo himiladii siyaasadeed ee Madaxweynaha Maanta tallada dalka haya , anaguna waxaan u taaganahay fulinta himilidaas.

Aan guud mar kooban idinka siiyo dhaqaalaha waddada loogu talo galay.

Dhaqaalaha loogu talo galay hirgalinta jidkani waa dhaqaale waxna uu ku jiro jeebabka bulshada waxna uu yahay ku talo galka dawlada,

Si loo helo gudi hawsha gacanta ku haysa oo dawlada iyo dadka wax ka ururisa Madaxweynuhu wuxuu magacaabay gudidi qaadhaan ururin u samaysa jidka Ceerigaabo,

wixii uugu horeeyey ee gudidu samaysayna wuxuu ahaa in la sameeyo afar goobood oo lagu xafido lacagta soo bixi doonta "4 accounts” oo kala ah

. Bangiga dhexe . Dahabshiil . Salaama . Zaad Service

 

Dhinaca dawlada:

Kadib markii madaxweynaha jamahuuriyadda Somaliland uu dhagax dhigay waddada Ceerigaabo, waxaa loo diray qalabkii lagu hirgalin lahaa jidkan, sidoo kale waxaa miisaaniyada loogu daray budget dhan afar Milyan "$4,000,000”

Afarta milyan ee miisaaniyada loogu daray ma ahayn mala awaal iyo wax la si fudud la iskaga daray ee waad ogaydeen wixii dood iyo muran ka dhacay meel marinta lacagtaas Miisaaniyada loogu darayey jidka Ceerigaabo, lacagtaas oo la rabay in ay ka soo baxdo lacag koobaan oo xoolaha iyo gadiidka loo saaro, oo aan iyagana wax yeelin, waxtarna u noqota waddada, lacagtaas marka ay soo xarooto ayaa lagu qiyaasayey in ay gaadhi karto Afartaas Malyan.

Sidoo kale iyadoo la marayo qorshihii ku tala galka hawl galka waddada ayaa Madaxweynuhu iclmaamiyey in laga qaybqaato hirgalinta jidkaas, waxayna Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku bilaabeen in ay qaadhaankii uugu horeeyey iyagu iska jaraan. Lacag dhan

Madaxweynaha = $6000 "Lix kun oo Doolar”

Madaxweyne ku xigeenka = $4000 "Afar kun oo Doolar”

 

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu bandhigii u horeeyey ee qaadhaan ururin ah kaga bilaabay golaha wasiirada, halkaas oo wasiir walba ku deeqay lacag dhan Bil Mushaarkeed iyadoo looga jarayo bil walba lacag dhan $180 "Boqol iyo Sideetan doolarka maraykanka ah” mudo sanad ah.

Guud ahaan lacagtaas laga jaray golaha xukuumadu waxay isla gaadhaysay lacag dhan $100,000 "Boqol kun oo doolarka maraykanka ah”

Halkaaas markay marayso waxaa la odorosay kahor inta aanan bulshada loo gudbin in qaadhaan la waydiiyo in shaqaalaha dawlada ee cashuurta dadka ka mushaar qaata wax kooban laga jaro,

Guud ahaan marka la isku daro lacagta la odorasayo in ay kasoo baxdo ka soo bilow Madaxweyne ilaa shaqaale hoosaad , waxay isku noqonaysay lacag dhan $2.5 Milyan "Laba Milyan iyo shan boqol oo kun oo doolarka maraykanka ah"

Lacagta afarta Milyan ee Miisaniyada la odorosay in ay ka soo baxdo way socotaa oo waxaan Alle ka rajaynaynaa in ay soo baxdo, waxaase su’aal mudan lacagtaas ilaa hada maxaa soo baxay maxaase dhiman

Waxa lacagtaas ila hadda kasoo xarooday sida aad kala socoteen bandhigii lagu sameeyey lacag dhan $672,774 "Lix Boqol, laba iyo todobaatan kun, Todoba boqol, Afar iyo todobaatan Doolarka Maraykanka ah” oo ku jirta bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Dhanka bushada

Astaamaha reer Somaliland taariikhda iyo sumada u leeyihiin waxaa kamida is taageerida iyo is caawinta kolba midkii wax qabsanaya , hadaba ilaa hada shacabka oo loo sameeyey 4 account oo ay lacagta ku soo diri karaan waxaa kasoo xarooday :

Dahabshiil = $114,261 " Boqol iyo afar iyo toban kun, laba boqol iyo kow iyo lixdan Doolarka Maraykanka ah”

Zaad Service = $ 3,093 "Sadex kun iyo Sadex iyo Sagashan Doolarka Markaykanka ah”

Salaama = $5 "Shan Doolarka Maraykanka ah”

Isku geyn lacagta dawlada iyo dadka ka soo xarootay eek u jirta afartaas Account waa lacag dhan = $ 790,133.94

Sidoo kale waxaa jirta lacag kale oo aan weli na soo gaadhin lakiin aanan ka dayrinayn oo jidka ku soo jirta , lacagtaas oo ah :

$100,000 "Boqol kun” oo ay gudidii Ceerigaabo laga magacaabay gacanta ku hayaan

$120,000 "Boqol iyo Labatan kun " oo ay wasaaradda waxbarashadu ka soo ururisay ardaydii da’da yarayd ee muwaadiniinta ahaa oo hal halkii doolar ee ay isku dareen gaadhay $120,000 "Maasha Allah”

Bal hada u fiirso, dadkii gude iyo dibed isku tagay ee wax ku soo diray Dahabshiil waxay lacagtoodu ilaa hadda maraysaa $114,261 ardaydii yarayd ee dugsiyaduna waxay marayaan $120,000 !!!

Sidoo kale waxaa jirta lacag dhan $100,000 "Boqol kun oo Doolar” oo ay jaaliyada Sucuudiga ee degan Damam ay ku soo deeqeen oo iyaduna jidka ku soo jirta. Oo maareeyaha RDA oo tegay kala soo kulmay

Isku geyn lacagtaas kale ee aan rajaynayno in ay na soo gaadho waxay dhan tahay =$320,000"Sadex boqol iyo labatan kun oo doolarka maraykanka ah”

Waxaa xusin mudan marka la isku daro lacagta dal iyo dibed ka soo xarootay iyo inta aan sugayno waxaa in badan ka badan lacagta dawlada laga jaray !

Isku geyn lacagta ka soo xarootay intii shaqaalaha dawlada laga jaray =$672,774 "Central Bank”

Isku geyn lacagta dadweynaha ka soo xarootay = $437,359 "Dahabshiil + Salaama + Zaad + Balanqaad”

 

Guud ahaan intaas aan hayno iyo qalabkii oo hortiina yaala waxaan rajaynaynaa in aanu waddadii bilowno , hadii Allaha Awoode le Ogolaado

Waxaanu rajaynaynaa sidii aanu horay u balan qaadnay in dawladu boqolkii kilometer ee u horeeyey dawladu budjet-keeda ku bilowdo,

Qalabku intan hadda inoo timid uun maaha , waxaanu rajaynayna 2 bulldozer oo dhawaan na soo gaadha iyo 2-da asphalt mix plant ee Jabouti ka soo raran, sidoo kale in aanu dhawaan keensano booyadii waynayd ee daamurka iyo jayga isku qasaysay , paver , iyo crucksher weyn

Inta qalabkani ka shaqaynayo seeska jidka "base” ka waddada , waxaanu rajaynaynaa in inta dhimana ina soo gaadho.

Guud ahaan kharashka waddada ilaa hada loo hayo oo ka kooban wax aynu gacanta ku hayno iyo wax jidka inoogu soo jiraba waxay dhan tahay Shan Milyan , Boqol iyo Sagaal Kun oo doolarka Maraykanka ah

Kharashka kale ee la balanqaaday wuxuu kala ahaa kharash laga balan qaaday gudaha dalka iyo mid qurbaha laga soo balanqaaday isku geyn waxay gaadhaysaa lacag ka badan Todoba Milyan oo Doolar.

Waxaanan codsanaynaa in ay lacagtii ay balan qaadeen soo bixiyaaan hadii Alle ogolaado, waan rajaynaynaa sharaftii aad ku balan qaadeen in aad ku soo bixinaysaan.

Waxaan si gaar ah u xusayaa jaaliyada ku dhaqan Sheffield oo na soo gaadhsiisay lacag dhan $27,000 "Todoba iyo Labaatan kun oo Doolar”

Sidoo kale jaaliyada UK waxay noo sheegeen in ay ururiyeen wax kamida lacagtii la balan qaaday, guud ahaan lacagiihii la ururiyeyna waxay ku jirtaa lacagta ku jirta Dahabshiil.

Sidoo kale waxaan ka codsanayaa deegaamada kamida Gobolka Sanaag ee xoolaha tirade badan ku yaboohay in ay ka hawlgalaan soo ururinta xoolihii,

Waxaan si milgo badan halkan uuga xusayaa beesha Beriga Hargeysa "Beesha Isxaaq” oo iyagoo is xilqaamay noo yeedhay isla markaana balanqaaday lacag dhan $100,000 iyo 1,200 oo Neef, aad baan uuga mahadcelinayaa dareenkooda qiimaha badan iyo garashadooda qaaligaa

Dhaqaale intii na soo gaadhay waa intaas, wixii balanqaad aan ku haysanaynaa waa intaas, waxaanu ku niyad sanahay in waddadu inoo samaysmi doonto Insha Allahu ,

Waxaan amaan badan u hibeynayaa Sheekh Safiina, oo markii dadkii xoolaha lahaa si kale wax loogu dhigayey ku dhiiraday in uu cashuurta ku dhawaaqay isla markaana dadka ku dhiiri galiyey

Guud ahaan waddooyinka dalkeena ka socda waa guul iyo horumar aad iyo aadna waanu uugu bogadinaynaa bulshooyinka kala duwan ee ku hawlana amaan iyo duco ayaan u dirayaa,

Waddooyinka kaliya ma dhisayno, balse waxaanu gacanta ku haynaa in aanu u samayno siyaasad iyo sidoo kale sharicigii waddooyinka "Roads Act” , kuna xusi doonaa wax kasta oo looga baahan yahay sharciyad Insha Allahu maalin dhawna wuu dhamaystirmi doonaa oo waxaan u gudbin doonaa Golaha sharci dajinta

Sidoo kale waxaanu u diyaarin doonaa takaaliiftii lagu horumarin lahaa waddooyinka ee u suuro galin laha in sanadkan uun maahee sanad walba ay u soo baxdo lacagta afarta Milayan ah ee Miisaaniyada uugu jirta waddooyinka

Qalab iyo qarash uun maaha ee sidoo kale waxaanu u diyaarinaynaa qorshihii waddooyinka oo ah in aanu siyaasadii dajinayno oo aanu gacanta ku hayno.in aanu samayno "Roads Master Plan” oo kala sheegaya wixii laami noqonaya , wixii jid cadde noqonaya , wixii Waddo xagaaf noqonaya "Feeder Roads” sidoo kale waxaanu gacanta ku haynaa "Roads Standard” oo ah in nidaam iyo halbeeg loo sameeyo waddooyinka, dalka ,

Isku soo wada duubo beri anigu joogi mayo, Maareeyuhu joogi mayo, cid walba joogi mayso, waxaanse rabnaa in aanu ka tagno nidaamka waddooyinka dalka oo leh qorshe cad, qalab tayo leh, takaaliif lagu horumariyo waddooyinka , iyo wax walba oo Wakaaladu u baahan karto si loo horumariyo waddooyinka dallkeena

Qof walba waxaan leeyahay ka qaybqaado waddo kasta oo kuu dhaw, aduunkana waa kuu horumar aakhirana waa ku sadaqad.

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.