Wasiirada arimaha dibadda Ruushka, Maraykanka oo ka wada hadlay xiisadda Kuuriya

0
Thursday August 31, 2017 - 09:21:11 in by Burco Office
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada arimaha dibadda Ruushka, Maraykanka oo ka wada hadlay xiisadda Kuuriya

    Wasiirada arimaha dibadda Ruushka, Maraykanka oo ka wada hadlay xiisadda Kuuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada arimaha dibadda Ruushka, Maraykanka oo ka wada hadlay xiisadda Kuuriya

Wasiirka arimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavror, ayaa ku wargeliyey xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, in talaabo kasta oo dheeraad ah oo lagu damacsanyahay in cunaqabataynta saaran Kuuriyada Woqooyi lagu sii adkeeyaa noqon doonto mid khasaare leh.

Warbixin ay baahisay wasaaradda arimaha dibadda Ruushku aya sheegtay in labada nin telefoon ku wada hadleen oo ay cambaareeyeen tijaabadii gantaal ee u dambaysay ee Pyongyang samaysay.

Laakiin waxay sheegtay in Lavrov ku nuuxnuuxsaday in diblomaasiyaddu tahay dariiqa keliya ee lagu soo afjari karo xiisadda ka taagan jasiirad la moodka Kuuriya, isla markaana uu ku booriyey in aan lagu degdegin talaabo kasta oo milatari oo keeni karta cawaaqib xumo aan la mahadin.

Xoghayaha gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, ayaa isaguna dhankiisa ku carrabka ku adkeeyey in ay weli jirto fursad hab diblomaasiyadeed loogula tacaali karo Kuuriyada Woqooyi.

Hase yeeshee mar sii horraysay ayaa Madaxweyne Trump fariin uu boggiisa Twitter-ka ku baahiyey wuxu ku sheegay in aan xalku ku jirin wada xaajood.