Maxkamadda ugu sarraysa Kenya oo qaadatay go'aan aan horay uga dhicin Afrika

0
Saturday September 02, 2017 - 10:15:26 in by Burco Office
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ugu sarraysa Kenya oo qaadatay go'aan aan horay uga dhicin Afrika

    Maxkamadda ugu sarraysa Kenya oo qaadatay go'aan aan horay uga dhicin Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ugu sarraysa Kenya oo qaadatay go'aan aan horay uga dhicin Afrika

Maxkamadda ugu sarraysa Kenya oo qaadatay go'aan aan horay uga dhicin Afrika

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii madaxweynenimada.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hannaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Go'aankan ayaa ah taariikh cusub oo ay Kenya hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho madaxweyne.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8da Agoosto aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya.

Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Qodobbadii saldhigga u ahaa go'aanka maxkamadda

  1. ku dhawaad saddex meelood meel foomamka way khaldanaayeen. Qaar waxba laguma qorin, qaar isku far ayaa lagu saxiixay, qaar waxay ka yimaadeen xarrumo doorasho oo aan si rasmi ah u jirin, qaar waxaa ka muuqday natiijooyin ka duwan wadarta, sidoo kalena ka duwan tan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada, kumannaan ma lahayn tiimbareyaal, saxiixyo iyo calaamadaha khafiifka ah ee warqadaha ka dhex muuqda.
  2. Shan malyan oo cod oo ku filan inay natiijada saamayn ku yeeshaan lama xaqiijin.
  3. Baaritaanka qaabka lagu galo kombiyuutarrada guddiga doorashada, maxkamadda waxay u saartay koox soo ogaatay in tiro isticmaaleyaal ah oo aan loo fasixin ay hannaanka gudaha u galeen, ka hor iyo ka dib doorashada.
  4. In guddoomiyaha guddiga doorashada uu galiyey, kana saaray foomamka 34A.
  5. In hannaanka KIEMS ee $24 Malyan joogay ee loogu tala galay in loo isticmaalo in isla markiiba toos loogu soo diro 34A si ay dhinacyada oo dhan u hubiyaan, uu hallaabay dhammaanba xarrumaha codaynta ee dalka oo dhan, sidaa darteedna tirooyinka loo soo diray Nairobi ay badidood yihiin kuwo aan nidaamkaas loo isticmaalin ee lagu soo diray farriin qoraaleedka telefoonka gacanta.

Arrin naadir ah

Taariikhda dhaw ee dunida, saddex dal oo kale oo ayay maxkamadahoodu waxaba kama jiraan ka soo qaadeen doorasho madaxweyne, kuwaas oo kala ah:

  • Ukraine sannadkii 2004
  • Maldives sannadkii 2013
  • Austria sannadkii 2016
Raila and UhuruLahaanshaha sawirka.

Maxay ka dhaheen dhinacyadii ay doorashadu khusaysay?

Madaxa xisbiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga shir jaraa'id qabtay go'aanka maxkamadda ka dib ayaa yiri "Xukunkan waa mid noociisu nagu wada cusub yahay, wuxuuna guul weyn u yahay dadka reer Kenya oo dhan, Annagu wax kalsooni ah kuma qabno guddiga doorashooyinka sida uu haatan u dhisan yahay, run ahaantiina intooda badan waxay ahayd inayba xabsiyada ku jiraan. Sidanna kuma daynayno dadkii dambiyadaas waaweyn ka galay dadka reer Kenya".

Madaxaweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyay dadka Kenya ayaa sheegay "in uu ixtiraamayo go'aanka maxkamadda balse uusan ku qanacsanayn,"

Madaxweynaha oo ku khudbad ku jeediyay Af Ingiriis iyo Af Sawaaxili "ayaa dadka reer Kenya ugu baaqay in ay nabadda ku dadaalaan oo qofba qofka ku xiga uu gacanta qabsado,"

Wuxuu intaas ku daray "in dadka dariska ah ay daris sii ahaan doonaan, siyaasigay doonaanba ha taageersnaadaan ee", wuxuuna aad ugu celceliyay in nabadda lagu dadaalo.

Dhanka kalana Axmed-Naasir Cabdullaahi oo ah qareenkii matalayay madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay "in go'anka maxkamaddu uu ahaa mid siyaasadaysan".

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula ChebukatiLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionGudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati

Gudoomiyaha guddiga doorashada

Haddalkii u horreeyay ee ka soo yeera gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya, Wafula Chebukati wuxuu ahaa in ay dhaqan galin doonaan amarka maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya, ayna ku celin doonaan doorashada madaxweynenimada ee Kenya.

Wuxuu intaas ku daray in guddigu uu samayn doono isbadallo dhanka shaqaalaha ah iyo mid habka ay doorashada u qabtaanba ah, si ay doorasho cusub ugu qabtaan 60 maalmood gudahood.

Chebukati wuxuu sheegay in dhibaatada ay garsooreyaashu arkeen ay tahay natiijada, ee aysan ahayn codaynta iyo tirinta codadka ee goobihii ay codbixintu ka dhacday.

Wuxuu dacwad oogaha guud ee Kenya ugu baaqay in uu baaritaan ku sameeyo shaqaale kaste oo jabiyay shuruucda doorashada.

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenyana wuxuu ka dalbaday in ay daabacdo macluumaadka xukunka ay ridday oo dhamaystiran, si ay si dhakhso ah isbadal ugu samayso hannaanka uu guddigu u shaqeeyo.

Sharciga Kenya wuxuu dhigayaa in maxkamadda ugu sarraysa ay 21 maalmood gudahood ku daabacdo dhammaan macluumaadka la xiriira xukunka ay riddo.

Damaashaad

Isla markii loogu dhawaaqay go'aanka maxkamadda, taageereyaasha mucaaradka ayaa damaashaad ka billaabay bannaanka maxkamadda, iyo deegaannada kale ee ay ku xoog badan yihiin.

Taageerayaasha mucaaradka oo Nairobi ku dabaaldagayaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionTaageerayaasha mucaaradka oo Nairobi ku dabaaldagaya
Taageerayaasha mucaaradka oo dabaaldagaya