QM oo ka hadashay xaaladda qaxootiga Rohingya

0
Wednesday September 06, 2017 - 08:21:12 in by Burco Office
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo ka hadashay xaaladda qaxootiga Rohingya

    QM oo ka hadashay xaaladda qaxootiga Rohingya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM oo ka hadashay xaaladda qaxootiga Rohingya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegaya inay lagama maarmaan tahay in qorshe la sameeyo si qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay loo siiyo aqoonsi sharci ah.

Guterres ayaa sheegay inaysan suurto gal ahayn dib u dhigidda qorshe wax gal ah oo wax looga qabanayo waxa ay salka u hayaan xasaradaha ka taagan dalka Myanmar, oo ay ku jiraan in qowmiyadda Rohingya la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka.

Goor sii horreysayna, raysal wasaaraha Bangladesh, Sheikh Hasina, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha caalamka inay cadaadis ku saaraan Myanmar inay dib u ceshadaan tobnaanka kun ee qaxootiga Rohingya ee dalkaasi ku qulqulayay maalmihii ugu dambeeyay.

Qaxootiga Rohingya ayaa sheegaya inay ka soo cararayaan ugaarsiga uu ku hayo milatariga Burma.