Munaasibad lagu shaacinaayey Gudi dii Loo Soo xulay Xal U raadinta Khilaafadka Hadheeyey Dhalinyarada Reer Burco Ayaa Lagu qabtay Hutel cigale ee Magaalada Burco

0
Monday February 24, 2014 - 16:24:10 in by London Office
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad lagu shaacinaayey Gudi dii Loo Soo xulay Xal U raadinta Khilaafadka Hadheeyey Dhalinyarada Reer Burco Ayaa Lagu qabtay Hutel cigale ee Magaalada Burco

    Burco (Afkashacabka)Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen inta badan madaxda goblka togdheer heer degmo iyo heer gobol, cuqaasha ,wax garadka ,iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (Afkashacabka)Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen inta badan madaxda goblka togdheer heer degmo iyo heer gobol, cuqaasha ,wax garadka ,iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Munaasibad Lagu Shaacinaayey gudidii dhawaan losoo xulay Horu marinta iyo Is dhex galka Bulshowaynta ku dhaqan magaalada burco ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hutel cigal ee waqooyiga magaalada burco.

Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen inta badan madaxda goblka togdheer heer degmo iyo heer gobol, cuqaasha ,wax garadka ,iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Waxaana munaasibadaasi daah furay xildhibaan Bidhi isagoona ka waramay kormeeradii kala dwanaa ee ay isaga wasiirul dawluhu kusoo mareen iskuulada kala duwan ee gobolka isagoona sheegay inay dhamaanba ardayda ay way deyeen laba su,aalood oo kala ahaa

Maxaa Keena khilaafka dhalinyarada ?

Maxaa Lagaga Bixi karaa?

Waxaanu uu xilhibaan bidhi sheegay inay dhamaantoodba su,aalahaasi si isku mid ah ay uga jawaabeen araydii ay waydiyeen,sheegeena inaanay habayaraatee dhalinyaradu is haysan waxna dhex oolin.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka togdheer Maxamed Yuusuf Diiriye isagoona sheegay in wax wayn laga bedeli doono habdhaqanka wasaaraduhu ay ula macaamilaan shaqaalaha taasna ay wax wayn ka tari doonto is dhex galka bulshada oo buu yidhi mudooyinkan aad moodo inay kasoo wanaagsanaanayso sidii hore.

Waxa uu badhasaabku sheegay inay gudidan la shaqaynayaan isla markaana ay kala hawlgali donaan wax kastoo oo kaga soo aadaa dhinacooda.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay Mayirka degmada burco Ustaad Maxamed Muraad waxaana uu sheegay in uu had iyo jeer garab siiyo dhalinyarada gudidana uu si habsami ah ula shaqayn doono kana codsaday cuqaasha iyo masuuliyiinta kale inay la shaqeeyaan gudidaasi.

Gudoomiyaha wasaarad waxbarshada Cabdi Axmed Siciid oo halkaasi hadalo dardaarn ah uga soo jeediyey dhalinyaradaasi ayaa waxa uu yidhi "Waxaan Ku Faraxsanahay in aan Geelii Kareebka ahaa Ee aan hayey aan Helo cid ila Celisaā€¯waxaana uu intaasi ku daray in barbaartu tahay ta dalka u hadhi doonta mustaqbalka dhaw loona baahanyahay inay ka tashadaan ayahooda nololeed.

Cuqaal waxgarad iyo macalamiinta dugsiyada oo iyaguna halkaasi hadalo kasoo jeediyey ayaa ku amaanay wasiirul dawlaha sida uu ugu nugulyahay gobolkiisa isla markaana uu ugu soo gurmaday magaaladani burco.

Gudoomiyaha ururkaasi&gudoomiye ku xigeenka iyo afhayeenka oo iyaguna munaasibada ka hadlay ayaa mahadnaq dheer ka dib ugu baaqay madaxa,shacabka,cuqaasha,waxgaradka,iyo qaybaha bulshada reer burco inay si kal iyo lab ah ula shaqeeyaan gudidaasi.

Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland Cismaan saxardiid Cadaani oo Gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa dardaaran,dhaliil,canaan,iyo talooyinba halkaasi ugasoo jeediyey madaxda gobolka cuqaasha iyo siyaasiyiinta ku qudhaabta qabyaalada isagoona sheegay in ay xukuumadu rabto inay ka sifayso gobolkani waxyaalaha lagu xanto isla markaana danta dalka iyo ta shacbkuba aanay ku jirin .

 

Si kastaba ha ahaatee gudidan oo dhawaan lasoo xulay ayaa waxa ay wax wayn ka dari doontaa caqabadaha ka taagan gobolka ayadoona ay gudidani ka koobantahay dhamaanba beelaha dega magaalada burco.

afkashacabka

/Burco Office

Shaaficimaxamed@gmail.com