Xisbiga WADDANI Oo Burco Ka Unkay Dhacdo Shacab Soocdin Ah Oo Qaranka Lagu Dhiig Bixinayo Iyo Goobo Bulshada U Sinayd Oo Uu Calanka Xisbiga Ugu Abtiriyey.

0
Wednesday September 13, 2017 - 14:11:29 in by Burco Office
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Burco Ka Unkay Dhacdo Shacab Soocdin Ah Oo Qaranka Lagu Dhiig Bixinayo Iyo Goobo Bulshada U Sinayd Oo Uu Calanka Xisbiga Ugu Abtiriyey.

    Xisbiga WADDANI Oo Burco Ka Unkay Dhacdo Shacab Soocdin Ah Oo Qaranka Lagu Dhiig Bixinayo Iyo Goobo Bulshada U Sinayd Oo Uu Calanka Xisbiga Ugu Abtiriyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Burco Ka Unkay Dhacdo Shacab Soocdin Ah Oo Qaranka Lagu Dhiig Bixinayo Iyo Goobo Bulshada U Sinayd Oo Uu Calanka Xisbiga Ugu Abtiriyey.


 

Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer waxa ka jirta xaalad curin qabyaaladeed oo xisbiga Waddani abuure ka yahay waxaana uu goobihii shacabku dhaxalka u lahaa ee dadweynaha ka dhexeeyey uu hanaan qabyaaladaysan calankiisa si gaar ah ugu sumad saday iyada oo goobaha uu calanka sida aan sharciga waafaqsanayn uu uga taagtay hore looga diiday in Calanka Madaxweynaha maanta iyo sadexdii ka horeeyey lagu wada xardho.
 
 
 
Dhacdada Siiroogii magaalada Burco calanka xisbiga Waddani loo sudhay iyada oo markii hore uu ku astaansanaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) ayaa hadal hayn badan ka dhalisay shacabka magaalada Burco waxaana ugu danbayn buuga sharciga u baadhay Gudoomiyaha gobolka Togdheer oo digniin adag ka soo saaray arintan.
 
 
Mr. Ramaax waxa uu sheegay inay xaaraan tahay in goobaha dawladu leedahay ee shacabka ka dhaxeeya la sudho calan xisbi gaar ahi leeyahay waxana uu sidoo kale ka digay xisbiga Waddani oo durbaanada u garaacaya xaalad aan maanta taagnayn waxaana uu yidhi. "Xataa marka uu ololuhu bilaamo ayaanay banaanayn in meelaha umada ka dhaxaysa calamo laga taago ama cid gaar ahi sheegato waxa weeyaan waa xaaraan talaabo adagna waanu ka qaadaynaa waanu iskugu yeedhnay sadexdii xisbi mid baaba inta isagii la soo waayey aniga Tv-ga iga maagayee waxa weeye sadexda xisbiba waxa ay amar ku qabaan inaan wax olole ah oo ka bilaamay gobolka aanu jirin cidii bilowdana dee Komishanka iyo Hay’adda anshaxa ayaa hawshooda galaysa waxa weeye wax aad u foolxun in goobihii dawladda ee umada ka dhaxeeyey ee cidna aanay gaar u sheegan Karin ay rag calamo gaar ah iskaga xidhaan Iyagaanu ku eegaynay oo aanu nidhi ka furta tiina ma suurtoobin waxa weeye waxaanu ka qaadaynaa talaabo ayaanu ka qaadaynaa xataa marka uu ololuhu bilaabo cid calan ku xidhan kartaa ma jirto.”
 
 
Sidoo kale Gudomiyaha Gobolka Togdheer Saleebaan Ramaax ayaa waxa uu sheegay in guul daro siyaasadeed ay tahay in calan la sudho goob dadweyne dhex u ah waxaana uu kala sooc bulshada ah ku macneeyey dhacdadan dhiig baxa qaranka ku ah ee Burco Waddani ka yagleelay waxaana uu yidhi. "Calanyaroo meel la sudhaa dad u noqon maayo waa tamar daro soo wajahday uunbaan u arkayaa dadka noocaas ah ee abuuraya xaalad aan jirin waxa weeye xisbigu xod xodasho wuu samayn karaa dad wuu la shiri karaa Hudheeladu waa u furan yihiin laakiin waxay soo kordhinayso calan meel laga taagaa ma garanayo.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Saleebaan Ramaax.
 
 
Xigasho Wargeyska SAHAN