Baarlamaanka Ciraaq Oo Go’aan Ka Gaadhay Afti Loo Qaado Madax Banaanida Gobolka Kurdistaan.

0
Wednesday September 13, 2017 - 17:17:11 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ciraaq Oo Go’aan Ka Gaadhay Afti Loo Qaado Madax Banaanida Gobolka Kurdistaan.

    Golaha baarlamanka Ciraaq ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday in afti loo qaado madaxbannaanida gobolka Kurdistan ee la filayey in ay dhacdo 25 Sebtember.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha baarlamanka Ciraaq ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday in afti loo qaado madaxbannaanida gobolka Kurdistan ee la filayey in ay dhacdo 25 Sebtember.

Xildhibaan Maxamed Al-Karbuuli ayaa isna sheegay in xildhibaannada Kurdiyiinta ah ee golaha ku jiray kaGudoomiyaha baarlamanka, Saliim Al-Jabuuri, ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ku sheegay in uu diidan yahay aftidaa la qorsheeyey, waxaanu sidoo kale ku sheegay inay waajib ku tahay Ra'isal Wasaare Xaydar Al-Cabaadi in uu qaato go'aan kasta oo adkaynaya midnimada Ciraaq, iyo in uu bilaabo dood wax ku ool ah oo wax lagaga qabto arimiha murugsan ee dhex yaalla xukuumadda dhexe iyo gobolka Kurdistan.


baxeen fadhiggii golaha intii aan codbixintaba la bilaabin.

 

Xildhibaan Kurdi ah oo la yidhaa Maajid Shinkali ayaa isna waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday codbixinta baarlamanka, waxaanu yidhi "waa wax aan macno badan lahayn oo aan joojin karin in aftida lagu qabto wakhtigii loogu talo galay.

Mooshinkan codbixinta loogu qaadayey in baarlamanku aqbalo aftida iyo in kale waxa golaha keenay 80 xildhibaan.

Dhanka kalena, madaxweynaha gobolka Kurdistan, Mascuud Barsaani, ayaa maanta oo Salaasa ah booqasho ku jooga magaalada Karkuk ee saliidda hodanka ku ah, waxaana ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in "uu shacabka gobolka ee kala isirka iyo madaahibta ahba u xaqiijiyo in aftidu aanay dayaci doonin xuquuqdooda isla markaana dan u tahay dadka ku dhaqan goobaha lagu muransanyahay".

Ra'isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabaadi, ayaa dhawr jeer diiday in aftidaa la qabto waxaanu ku tilmaamay in ay tahay arin aan dastuurka dalka waafaqsanayn.

Aftidan gobolka Kurdistan laga qaadayo ayaa loo arkaa in ay tahay mid aan sharcigu ku khasbayn dawladda Ciraaq in ay u hogaansanto natiijadeeda, sidoo kalena waxa ka soo horjeeda Maraykanka iyo quwadaha Galbeedka ee ay gacan saarka leeyihiin Ciraaq maadaama oo ay u arkaan in ay wiiqi karto dedaalkooda ay kula dagaalamayaan kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Sida qorshuhu yahay, aftidu kuma koobna sadexda degmo ee gobolku ka koobanyahay ee kala ah Dahuuk, Erbiil iyo Sulaymaaniya, laakiin waxa kale oo lagu wadaa in ay ka dhacdo goobaha kale ee ay ku badanyihiin Kurdiyiintu ee ay ciidamadooda loo yaqaan Beshmarga ka "xoreeyeen" kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Dalalka ay Ciraaq deriska yihiin ee ay ka midka yihiin Iran iyo Turkigu ayaa iyaguna ka baqe qaba inay artintani dhiirri geliso qoomiyadaha Kurdiyiinta ah ee laga tirada badanyahay ee dalalkooda ku dhaqan in ay iyaguna damcaan in ay gooni u goosad raadiyaan.

 

 

Source:-BBCsomali