Rwanda Oo Meel Fiican Ka Gashay Dalalka Ay Dadkoodu Ugu Horumarsan Yihiin Maskax Ahaan

0
Friday September 15, 2017 - 11:53:47 in by Burco Office
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rwanda Oo Meel Fiican Ka Gashay Dalalka Ay Dadkoodu Ugu Horumarsan Yihiin Maskax Ahaan

    Rwanda Oo Meel Fiican Ka Gashay Dalalka Ay Dadkoodu Ugu Horumarsan Yihiin Maskax Ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rwanda Oo Meel Fiican Ka Gashay Dalalka Ay Dadkoodu Ugu Horumarsan Yihiin Maskax Ahaan

Madasha Dhaqaalaha Adduunka ayaa shaacisay shaxda lagu qiimeeyo sida dalalka ay u horumarinayaan xirfadaha, aqoonta, iyo waayo aragnimada dadkooda.

Daraasadda ayaa muujinaysa in dalalka caalamka aanay wax badan maalgelin muwaadiniintooda sidaana ay ku lumiyaan shan meelood oo lama meel dadka leh hibooyinka gaarka ah.

Qaaradda Afrika, waddanka Rwanda ayaa helay natiijadii ugu wanaagsaneyd ee xogtan la daabacay.

 


Tuska koboca dadka marka laga eego dhanka dhaqaalaha ee dunida ayaa muujinaya in 25 dal oo keliya ay horumariyeen in ka badan 70% kartida dadkooda.

Dalalka nidaamyada wanaagsan leh sida waxbarashada shaqada iyo koboca wanaagsan ayaa dhibcahooda tusaha ay aad u sarreeyaan.

Sida ay warbixintu sheegeyso dalka Rwanda ayaa meel sare kaga jira dalalka Africa ee ku jira tusahan, iyadoo horumar uu ka sameysay kartida ama kobaca awoodeed ee dadkiisa in ka badan 61%, waxaana ku xiga dalalka Ghana, Cameroon, Mauritius iyo Kenya.

Hanaankaas wanaagsan ee Rwanda lagu arkay ayaa loo aaanaynayaa iyadoo horumar la taaban karo ka sameysay tacliinta jiilalka dhalinta yar.

Qaar ka mid ah dalalka qaarada ee dhaqaallahooda uu sida weyn dhaqsiyaha badana leh u korayo ayaa meel hoose ka galay marka la eego horumarka dadkooda iyo xirfadahaba.

South Africa kaalinta 8aad ee dalalka Africa ayay liiskan kaga jirtaa, waxayna ka hooseysaa Uganda iyo Zambia, halka Nigeria ay iyadana meel hooseyso ku jirto, Itoobiyana waxayba liiska kaga jirtaa meel aad u hooseysa oo Sengeal oo kaliya yaaa ka hooseysa.

BBC Somali