Magaalada Hargaysa Oo Lagu Laayay Oromo Dhex Joogta Iyo Goobihi Ganacsi Ee Qoomiyadda Oromadu Ku Dhex Lahaayeen Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay.

0
Friday September 15, 2017 - 14:34:20 in by Burco Office
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Hargaysa Oo Lagu Laayay Oromo Dhex Joogta Iyo Goobihi Ganacsi Ee Qoomiyadda Oromadu Ku Dhex Lahaayeen Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay.

    Magaalada Hargaysa Oo Lagu Laayay Oromo Dhex Joogta Iyo Goobihi Ganacsi Ee Qoomiyadda Oromadu Ku Dhex Lahaayeen Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargaysa Oo Lagu Laayay Oromo Dhex Joogta Iyo Goobihi Ganacsi Ee Qoomiyadda Oromadu Ku Dhex Lahaayeen Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay.

Dhalinyaro koox koox u socda oo ku hubaysan Budhadh Iyo Bakoorado ayaa shalay galinkii danbe ilaa xalay la sheegay in ay ku waxyeeleeyeen isla markaana ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen Oromo ku dhex nool magaalada Hargeysa,kuwaas oo ah Oromada gaadiidka ku dhex maydha gudaha Hargeysa iyo timo jarayaasha.

 

 

Waxaana dhalinyaradan la sheegay in ay Oromadan la dhaceen budhadha yo Bakoorado,kuwaas oo ay soo gaadheen dhaawacyo culus,waxaana xaafadaha lagu laayay Oromadan kamid ah xaafadda Jigjiga Yar,Calaamadaha iyo Shiraaqle.

 

 

Sidoo kalena Oromadii ganacsiga ku dhex lahayd gudaha Hargeysa ayaa albaabada u laabay ganacsigoodii,iyaga oo ka cararay goobihii ganacsigoodu ka furnaa,waxaana xoguhu ay sheegayaan in dhalinyaradani ay waxyeelo u gaysteen qaarkamid ah ganacsatada Oromada ah ee meherada wax laga cuno iyo goobaha Rayislayaasha ah ku dhex leh gudaha magaalada Hargeysa,waxaana ay taasi sababtay in Oromadii ku dhex noolayd gudaha Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee waa wayn la waayo meela y jaan iyo cidhib dhigeen.

 

 

Sababta keentay in gudaha Hargeysa lagu waxyeeleeyo Oromadan ajaanibka ah ayaa waxay ka danbaysay kadib markii laba cisho ka hor ay qoomiyadda Oromadu ay gudaha magaalada Haawaday ee dalka Itoobiya ay ku laayeen 17 qof oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland,kuwaas oo ahaa ganacsatadii Qaadka.