Dad Qaxooti ah oo lagu laayay Koongo

0
Sunday September 17, 2017 - 09:20:07 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Qaxooti ah oo lagu laayay Koongo

    Qaramada midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo oo lagu dilay qaxooti Kasoo jeeda burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo oo lagu dilay qaxooti Kasoo jeeda burundi.

Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO wuxuu sheegay in Ciddamada Amaanka ee dawladu ay toogteen 37 qof oo qaxooti ah ayna dhaaweceen 117 kale.

Florence Marchal waa ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobeay ee dalka Kongo, iyada oo ku sugan magalada Kinshasa ayaa waxay ugu baaqday ciddamada Ammaanka in ay xaalada xakameyaan.

Hal askari ayaa lagu dilay dhacdadan kadib markii qaxootiga ay dibedbax ka sameyeen afar qof oo reer burundi ah oo Kongo laga tarxili rabay.

Jimmy Nemeyimana waa qaxooti ku nool xero ku taala magaalada Kamanyola oo ah halka colaadu ay ka dhacday. Waxaa u sheegay in sarkal maxali ah u halkaasi booqday maalmo yar uun ka hor, waxaa uuna sheegay in xukkumadu ay ka war hayso waxaa halkaasi ka socday.

Dhankakale,Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay in ciidamada ay qarqiyeen qaxootiga oo dhagax kala daalay.

Boqolaal kun oo qaxooti reer Burundi ayaa dalkooda isaga qaxay kadib markii colaad ay dalkaasi ka bilaabatay kadib go'aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay in xafiiska uu mar saddexaad u tartamo.


Xigasho/BBC Somali