Ururka Falastiiniyiinta Xamas Oo Ku Dhawaaqay Inay Wadahadalo Lagalayaan Dhaqdhaqaaqayada Fatax.

0
Sunday September 17, 2017 - 09:23:45 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Falastiiniyiinta Xamas Oo Ku Dhawaaqay Inay Wadahadalo Lagalayaan Dhaqdhaqaaqayada Fatax.

    Ururka falastiiniyiinta ee Xamas ee maamula magaalada Gaza, , ayaa waxa ay sheegeen in ay aqbaleen in wadahadalo ay la galaaan dhaqdhaqaaqa Fatax oo u badan maamulka Falastiiniyiinta ee madaxwaynaha ka yahay Mahmoud Abbas ee fadhigeoodu yahay daanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka falastiiniyiinta ee Xamas ee maamula magaalada Gaza, , ayaa waxa ay sheegeen in ay aqbaleen in wadahadalo ay la galaaan dhaqdhaqaaqa Fatax oo u badan maamulka Falastiiniyiinta ee madaxwaynaha ka yahay Mahmoud Abbas ee fadhigeoodu yahay daanta galbeed.

Bayaan ay soo saareen ururka xamaas ayaa lagu sheegay in la kala dirayo guddi loogu talagalay in ay maamulaan magaalada Qaza islamarkana la qaban doono doorasho guud.

Tillaabadan ayaa ka danbaysay ka dib kulan ay yeesheen saraakiil sarsare oo ka tirsan Xamas iyo dowlada Masar.

Ilaa iyo imika dhaqdhaqaaqa Fatah kama aysan hadlin arrintan ku saabsan wadahadalo ay la yeeshaan kooxda Xamas.

Waxa jiray isku dayo hore oo guuldaraystay oo lagu doonayay in lagu heshiisiiyo Xamas iyo Fatax ayna qaybsadaan awooda.

Khilaafka labada dhinac ayaa bilaabmay 2007 markii ay Xamas ay la wareegeen magaalada Qaza.