Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Si Adag Uga Hadley Qalalaasaha U Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada

0
Monday September 18, 2017 - 10:39:05 in by Burco Office
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Si Adag Uga Hadley Qalalaasaha U Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada

    Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Si Adag Uga Hadley Qalalaasaha U Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Si Adag Uga Hadley Qalalaasaha U Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada Ra'iisul wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horeysay

ka hadlay rabshadaha sababay dhimashada baahsan ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu tilmaamay in uu ka xun yahay qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah.


Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dhimashada ka dhalatay qalalaasaha labada, isaga oo ka sheegay in dowladda Itoobiya arintaan siweyn uga xun tahay


 

 


Rabshadahan ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha in labada dhinacba ay kaga dhinteen dad aan waxba galabsan oo aad u badan, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in uu amray ciidamada Itoobiya si ay u sugaan amniga.


Waxxa sheegay in dadkii masuulka ka ahaa khalalaasahan la horkeeni doono sharciga, wuxuuna ku eedeeyay in dalka Itoobiya ay geliyeen marxalad deganaansho la’aan ah.


"Waxaan ka xumahay khalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah, ee u kala safnaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay khalalaasahaasi, dadkii masuulka ka ahaa falkan oo ay ka mid yihiin raggii warbaahinta u isticmaalayay sida qaldan sharciga ayaa la horkeeni doonaa” ayuu yidhi Hailemariam.


Dhinaca kale kale madaxweynayaasha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ismaamulka Oromada ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay wax aanay horey dhaqan iyo caado toona midna ugu laheyn laba qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.


Itoobiya ayaa sheegtay in ay halkaa ku direyso ciidamo si loo soo afjaro qalalaasaha loogana fogaado dilal danbe oo dhaca.