Mucjisada Qisada Haweeney Usbuucii Sadex Maalmood Oo Kali Ah Wax Aragta Inta Kalana Indho Beesha!

0
Tuesday September 19, 2017 - 09:22:51 in by Burco Office
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucjisada Qisada Haweeney Usbuucii Sadex Maalmood Oo Kali Ah Wax Aragta Inta Kalana Indho Beesha!

    Mucjisada Qisada Haweeney Usbuucii Sadex Maalmood Oo Kali Ah Wax Aragta Inta Kalana Indho Beesha!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucjisada Qisada Haweeney Usbuucii Sadex Maalmood Oo Kali Ah Wax Aragta Inta Kalana Indho Beesha!

Haweenay u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Natalie Adler oo 30-sano jir ah, ayaa waxaa haysta dhibaato dhinaca aragga ah oo nooceeda oo kale aan hore dunida loogu arag xalna ay u waayeen Dhakhaatiir badan.


Natalie Adler ayaa iyada oo jirta 17-sano waxaa ku dhacay xanuun indhaha oo markii hore la moodayay bakooro balse markii dambe aan noqon kaasi oo kaga dhacay indhaha, waxaana xanuunkaasi uu sababay in Haweeneydaasi saddex maalmood oo kamid ah Usbuucii ay wax aragto inta kalana ay wax arki waydo oo indha beesho walina sababta aan la ogaan si kasta oo dhakhaatiirta Indhuhu u baadheen.
Dhaqaatiir badan oo daaweyn loogu geeyay haweeneydan oo ku takhasusay cilmiga iyo daaweynta Indhaha ayaa ku guul darraystay inay wax ka qabtaan dhibaatada xagga aragga ka haysata haweeneydan, waxayna dhakhaatiirta qaar ku tilmaameen arrintan mid mucjiso ah oo aanay hore u arag walina aanay fahmin sababta sidani u dhacday iyada oo bal cilmiga Ilaahay saddex maalmoodna ay haweenaydani wax arkayso inta kalena ay dam odhanayso oo aanay haba yaraatee waxba arkayn.
Haweeneydan Natalie Adler oo baadhitaano dhawr ah oo xidhiidh ah lagu samaynayo wali ayaa sheegtay in xaaladdan indho beelka maalmaha ah ay isku aragtay 13-sano ka hor waxayna tilmaantay in dhakhaatiir badan ay u tagtay si ay xaaladeeda u eegaan balse nasiib darro aanay waxba ka qaban kari waayeen dhibaatada aragga ka haysata.
Natalie Adler ayaa sheegtay in maalmaha ay dam tahay aanay haba yaraatee waxba arkayn balse maalmaha kale ee ay caadiga noqonayso ay wax walba arkayso oo ay caadi tahay balse ay dareento xanuun indhaha ah walina aanay ka quusan in ay dhakhaatiirtu xal kama dambays ah u heli karaan arrinkeeda.
Guddida cilmi-baadhista cudurrada aan la fahmin ee dalkaais Australia ayaa daraasad ku wada haweenaydan oo ay sheegeen in xaaladeedu naadir ku tahay dalkaasi walina aanay hore u arag xaalad la mid ah iyaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan baadhitaanka la xidhiidha indhaheedan marna aanay waxba ka arkayn marna caadi ku soo noqonaya.