Doorashada Madaxweynaha Ee Dalka Kenya Oo Dib U Dhac Ku Imaan Karo

0
Wednesday September 20, 2017 - 09:29:03 in by Burco Office
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Madaxweynaha Ee Dalka Kenya Oo Dib U Dhac Ku Imaan Karo

    Doorashada Madaxweynaha Ee Dalka Kenya Oo Dib U Dhac Ku Imaan Karo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Madaxweynaha Ee Dalka Kenya Oo Dib U Dhac Ku Imaan Karo

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo gu dhawaaqin in dib u dhac ku imaanayo doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ee ku celiska ah ayaa, waxaa soo baxay cilado farsamo oo sheegay in ay jiraan dhibaato dhinaca farsamada teknoolajiyadda ah.


Nidaamka codeynta ee danabaysan (Electronic voting) ayaa diyaarinteedu u baahan yahay wakhti ka badan inta loogu tala galay sida ay sheegtey shirkadda gacanta ku haysa ee OT- Morphon, Shirkadda ayaa sheegtey in 17 Oktoobar qalabka danabaysan iyo barnaamijka ay ku shaqeynayaan aysan diyaar ku noqon karin.

Horey waxaa uga horyimid maalinta doorashada loo qabtey Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo dalbanaayey in la saxo nidaamka codeynta, sodoo kale Odinga ayaa sheegay in uu qaadacayo doorashada haddii aan la beddelin guddiga doorashada musuq-maasuqa ah maamuley.

Doorashadii Madaxweynaha ee Kenya ee uu ku guuleystey Uhuru Kenyatta waxaa waxba kama jiraan ka soo qaadeymaxkamadda sareoo ay dacwad u gudbiyeen Mucaaradku, waxaana maxkamaddu amar ku bixisey in muddo 60 maalmood ah gudahood lagu qabto doorashada ku celiska ah.

Maalinta berri ah ee Arbacada waxaa kulan yeelanaya musharixiinta iyo guddiga doorashada si loo xaliyo caqabadaha ka horeeya in bisha danbe doorasho ku celis ah dhacdo.