Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Jabhad Hubaysan Oo Laga Sameeyey Laascaanod Iyo Sababta Loo Xidh-xidhay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caynaba.

0
Wednesday September 20, 2017 - 14:55:46 in by Burco Office
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Jabhad Hubaysan Oo Laga Sameeyey Laascaanod Iyo Sababta Loo Xidh-xidhay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caynaba.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Jabhad Hubaysan Oo Laga Sameeyey Laascaanod Iyo Sababta Loo Xidh-xidhay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caynaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Jabhad Hubaysan Oo Laga Sameeyey Laascaanod Iyo Sababta Loo Xidh-xidhay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Caynaba.


 

Wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye aya aka hadlay cabasho ka timi ganacsatada Qaadka kasoo dajisa magaalada Laascaanood,waxaana uu beeniyay warar sheegaya in magaaladaasi ay ka samaysantay jabhad hubaysan.

 

 

Waxa kale oo uu wasiiru dawlahu ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Caynaba oo la xidhay iyo is casilaadii badhasaabka gobolka Hawd uu shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

 

 

Wasiiru dawlaha oo xalay u waramay wargeyska Dawan oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay wararka sheegaya in magaalada Laascaanood ay ka samaysantay jabhad hubaysani ayaa yidhi.

 

 

"Cabasho ay qaadlaayashu ka qabeen qaadka u gudbiya maamulka Puntland ayaa jirtay oo ay yidhaahdeen waa Taraanside cashuurta hana laga daayo,taasna waa laga wada hadlay oo Hargeysa ayuu yimi ganacsadihii Qaadku.Laakiin wax kale oo dhibaato ah oo Laascaanood ka jirta iyo wax jabhad hubaysan la yidhaahdo oo ka dilaacday midna ma jirto,wararkaa been abuurka ahna inay warbaahintu ka fogaato ayaa wanaagsan oo waraysato cidda ay khuseyso,Laascaanoodna way dagan tahay waana nabad galiyo,cashuurtana ciddii ay khuseyso way ka wada hadleen,is afgarad ayaanay ka gaadheen.Qofku wuu ka caban karaa dawladiisa in ay cabashadiisa ka hadlaana wax u diidaya ma jirto,wararka Telefeeshinada ka baxay habeen hore waxay ahaayeen dad shacab oo ganacsatadii qaadka keensatay ah iyo dadkii soo iibinayay oo dawladii u cabanaya,wax hubaysan ma jirin,markaa maaha in dadku wax aanay ahayn lagu sheego”sidaas ayuu yidhi wasiiru dawluhu.

 

 

Wasiirka oo la waydiiyay sababta keentay in la xidho xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Caynaba ayaa waxa uu ku jawaabay

 

 

"Horta xildhibaanadu xasaanad ayay leeyihiin oo lama xidho,laakiin shaqaaqo gudahooda ah ayaa dhacday,xildhibaan kamid ah golaha deegaanka Caynaba ayaa la xidhay,isla markiibana waa lasii daayay,arrintoodana maanta ayaanu guda galaynaa,markaas wax sii wayn arrintaasi may ahayn,waanay dhamaanaysaa arrintaasi”sidaas ayuu yidhi wasiirku.

 

 

Wasiiru dawlaha oo ka hadlay iscasilaadii shalay uu ku dhawaaqay badhasaabkii gobolka Hawd oo sheegay in lala shaqayn waayay ayaa yidhi

 

 

"Horta gudoomiyahaa ayay tahay in la waydiiyo cidda la shaqayn wayday,ka wasaarad ahaana wax dhankiisa ka yimi oo xagayaga ka fuli waayay ma jirto,wada shaqayn fiican oo ta badhasaabada gobolada kale ah ayaa naga dhaxaysay,markaas kolay isaga ayaa sheegi”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiiru dawlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.