Madaxweynaha Dalka Philippine Oo Sheegay In La Dilayo Wiilkiisa Haddii Dambi Lagu Helo

0
Saturday September 23, 2017 - 09:37:15 in by Burco Office
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Philippine Oo Sheegay In La Dilayo Wiilkiisa Haddii Dambi Lagu Helo

    Madaxweynaha Dalka Philippine Oo Sheegay In La Dilayo Wiilkiisa Haddii Dambi Lagu Helo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Philippine Oo Sheegay In La Dilayo Wiilkiisa Haddii Dambi Lagu Helo

Madaxweynaha dalka Philippines Rodrigo Duterte ayaa sheegay in uu amrayo haddii ay ku cadaato in uu wiilkiisa ku lug leeyahay ka ganacsiga daroogada in la dilo.Madaxweynaha ayaa sheegay in uu xaqiijin doono in la dilo Paolo haddii la caddeeyo in eedaymahaas ay run yihiin.

"Amarkaygu waa in lagu dilo haddii lagugu helo. Waanan difaaci doonaa booliiskii ku dila, haddii ay rumawdo”.ayuu u sheegay saxafiyiinta in uu hadalkaas ku yiri wiilkiisa Paolo.


Wiilkiisa oo 42 jir ah ayaa senetka ka soo hormuuqday horraantii bishan, wuxuuna ku adkaystay in kutiri kuteen iyo haddallo la isla dhexmaray uun ay yihiin eedaymaha sheegaya in uu gacan siiyay markab daroogo ka keenay Shiinaha oo dalka Philippines la geeyay.

Madaxweynahan 72 jirka ah ayaa xilka la wareegay bishii Luulyo isaga oo meel adag ka istaagay daroogada iyo dambiyada.

Booliiska iyo shacabka ayuu marar badan ku booriyay in ay dilaan dadka daroogada looga shakiyo, siyaasaddaas ayaa loo arkay in ay ka dhantahay xuquuqda aadanaha, cambaarayn caalami ah ayuuna kala kulmay.

Hase yeeshee mudaahaaradyo ka dhaca dalka Philippine ayaa loogaga dalbaday Madaxweyne Duterte inuu joojiyo amarada dilka ah.

Dadka mudaaharaadaya ayaa waddooyinka dhex qaaday iyaga oo wata boorar ay ku qoran yihiin "Jooji Dilka” "Ma rabno xaalad degdeg ah” – iyaga oo ka cabsi qaba in madaxweyne Duterte uu dalka oo dhan ka hirgaliyo arrintaas sidii uu sameeyay madaxweyne Ferdinand Marcos 45 sano ka hor.