Sawir Laga Sheegay Muuqaalka Wiilkii Nabi Maxamed NNKHA Awowga U Ahaa Ee Xuseen Binu Cali Oo Doodo Iyo Buuq Ka Dhex Dhaliyey Shiicada Iyo Sunniga Dalka Lubnaan!!

0
Thursday September 28, 2017 - 11:09:32 in by Burco Office
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir Laga Sheegay Muuqaalka Wiilkii Nabi Maxamed NNKHA Awowga U Ahaa Ee Xuseen Binu Cali Oo Doodo Iyo Buuq Ka Dhex Dhaliyey Shiicada Iyo Sunniga Dalka Lubnaan!!

    Sawir Laga Sheegay Muuqaalka Wiilkii Nabi Maxamed NNKHA Awowga U Ahaa Ee Xuseen Binu Cali Oo Doodo Iyo Buuq Ka Dhex Dhaliyey Shiicada Iyo Sunniga Dalka Lubnaan!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Laga Sheegay Muuqaalka Wiilkii Nabi Maxamed NNKHA Awowga U Ahaa Ee Xuseen Binu Cali Oo Doodo Iyo Buuq Ka Dhex Dhaliyey Shiicada Iyo Sunniga Dalka Lubnaan!!

Xaflado Ay Soo Qaban Qaabiyeen Ururka Xizbullah Ayay Dadku Siteen Sawir Markii Dame Aad Loogu Baahiyey Baraha Bulshadu Ku Xidhiidho Ee Internetka Kaasi Oo Lagu Sheegay Inuu Yahay Sawirka Xaqiiqada Ah Ee Imam Xuseen Binu Cali Binu Abaa Daalib Halka Culimo Sunni U Badani Dhaliilo U Jeediyeen

Beirut (Somalilandtoday)- Doodo badan iyo buuq ayaa ka dhashay gudaha waddankaasi Lubnaan gaar ahaan dadka shiicada iyo sunniga ah kadib markii si weyn baraha xidhiidhka Bulshada ee Internetka loogu faafiyey sawirro ay soo saareen Ururka Xizbullah oo dhawaan xus diimeed gaar ah oo ay u dabbaal dagayeen dadka shiicada ahi ku baahiyey sawir muuqaal nin oo ay ku sheegeen in uu yahay Imaam Xuseen Cali Binu Abaa Daalib Ilaahay raalli haka raalli noqdee oo ahaa mid ka mid ah labadii wiil ee ay dhashay Faadumo Rasuul kaasoo ah shakhsi aad ugu weyn dunida Islaamka si gaar ahna ay ugu dhawaadaan dadka shiicada ahi.


Sawirkaasi ay Shiicadu Imaam Xuseen Binu Cali Binu Abaa Daalib ku sheegeen ayaa ka mid ahaa sawirro ay ku dabaal dageen kuna muujiyeem mahrajaano iyo dibad-baxyo xaflado waaweyn ahaa oo ay dadka shiicada ahi qabsadeen dhawaan, gaar ahaan Ururka Xizbullah waxaanay sawirkaasi ku sheegeen in uu yahay mid xaqiiqo ah oo muujinaya ugu dhawaansho qaabkii uu u egaa Imaam Xuseen maalmihii ugu dambeeyey ee Noloshiisa wakhtigii uu noolaa ka hor intii aan lagu dilin magaalada Karbala dagaaladii fitnada ee Islaamka soo maray.
Warbixintan oo Wargeyska Foore idiin soo turjumay waxa ay intaasi ku daraysaa in Ururka Xizbullah iyo guud ahaan shiicadu ay sawirkan ku sheegeen in uu yahay mid taariikh ahaan loo keydinayay muddo qarniyo ah oo wakhtiyo hore laga reebay dad farshaxan ahaa oo wax ka ogaa Muuqaalka Xuseen Binu Cali Binu Abaa Daalib oo markii dambe gacanta ku sawiray sidaana uu u ekaa Imaamku balse waxa arrinkaasi ka biyo diiday dadka sunniga ah oo sheegay in aanay mudnayn in Imaam Xuseen oo ka mid ahaa labadii wiil ee uu Nabi Muxamed NNKHA awoowga u ahaa aan sidaa loo isticmaalin iyaga oo ku doodaya in aanay jirin xaqiiqo muujinaysa in uu sidaasi u ekaa ama muuqaalka sawirkani muujinayo lahaa.
Dooddan waxa sii xoogeeyey oo kale shiico badan oo iyaguna aaminsan in aanu xaqiiqo ahayn muuqaalka sawirkani, wax lagu garwaaqsan karo jiritaankiisa oo xujo ahna aan la hayn maadaama aanay cidina ogayn in uu sidaa u ekaa ama uu lahaa sifooyinka uu leeyahay muuqaalka sawirkani. Culimo badan oo ka kala socday dhinacyada shiicada iyo sunniga ee dalkaasi Lubnaan ayaa isku maan dhaafay jiritaanka xaqiiqo ahaan ee sawirkaasi iyo in loo qaadan karo in uu yahay mid xaqiiqo ahaan muujinaya sidii uu u ekaa Muuqaal ahaan Imaam Xuseen Binu Cali Bin Abaa Daalib oo ahaa wiilkii ay dhashay Faadumo Bintu Rasuul Ilaahay haka raalli noqdee.
Doodaha dhaliilsan sawirkan lagu baahiyey baraha bulshada ee xafladaha shiicada lagu soo ban dhigay ee dadku siteen ayaa sheegay in lagu xad-gudbay jiritaanka muuqaalkii dhabta ahaa ee Xuseen Binu Cali qaabka sawir gacmeedkan loo habeeyeyna uu muujinayo in la buunbuuniyey Muuqaalka sawirku ka kooban yahay sida sunnayaasha oo aad loo waaweyneeyey iyo qurux dheeraad ah oo loo sameeyey halka culimo badan iyo wadaado shiico ahi sheegeen in uu sidaa u egaa Xuseen Binu Cali Ilaahay haka raalli noqdee. Sawirku waxa uu muujinayaa nin da’ dhexaad ah oo leh gadh weyn oo jilicsan oo cirro u badan, indho waaweyn, san-dheer iyo waji aad u qurux badan kaasi oo madaxa ku duubtay cimaamad madaw oo ay uga soo sarrayso jubbad ama maro go’ weyn ah oo kale waana qaab muujinaya qaabka labbis qaadasho ee dhaqan ee ragga carbeed. Gaar ahaan raggii Carabeed ee hore oo dhaqan ahaan dharkan oo kale xidhan jiray.