Kabo Lagu Arkay Marwada Koowaad Ee Maraykanka Iyo Dhar Uu Xidhay Madaxweynuhu Oo Noqday Mawduuc Maalmihii U Dambeeyey Warbaahintu Qaadaa Dhigeysay

0
Thursday September 28, 2017 - 11:13:17 in by Burco Office
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabo Lagu Arkay Marwada Koowaad Ee Maraykanka Iyo Dhar Uu Xidhay Madaxweynuhu Oo Noqday Mawduuc Maalmihii U Dambeeyey Warbaahintu Qaadaa Dhigeysay

    Kabo Lagu Arkay Marwada Koowaad Ee Maraykanka Iyo Dhar Uu Xidhay Madaxweynuhu Oo Noqday Mawduuc Maalmihii U Dambeeyey Warbaahintu Qaadaa Dhigeysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabo Lagu Arkay Marwada Koowaad Ee Maraykanka Iyo Dhar Uu Xidhay Madaxweynuhu Oo Noqday Mawduuc Maalmihii U Dambeeyey Warbaahintu Qaadaa Dhigeysay

Afada madaxweynaha Maraykanka Melania Trump ayaa kabo ay xidhatay sabab u noqdeen in warbaahinta dalkeedu si aad u kulul u dhalleecayso. Marwo Melania Trump ayaa kabahan dhalleecaynta u soo jiiday xidhnayd mar ay iyada iyo odaygeedu safar ku tageen gobalka Texas ee Maraykanka markii duufaantii Harvey ku dhufatay si ay u soo indho-indheeyaan inta uu le’eg yahay khasaaraha iyo burburka ka dhashay duufaantu.


Agaasimaha Warisgaadhsiinta ee xafiiska madaxweyne Trump ayaa warmurtiyeed uu soo saaray oo arrintan ku saabsan waxa uu ku yidhi, "Waxaa arrin aad looga murugoodo ah in dadka qaar ay qaab-labbiska (Melania) isku mashquuliyaan xilli lagu jiro masiibo qaran oo weli burburkii iyo khasaarihii ka dhalanayey sii socdo”

Warmurtiyeedkan ayaa uu xafiiska madaxweynuhu soo saaray kadib markii warbaahinta Maraykanku ay xoogga saareen baahinta fallooyin iyo warar kala duwan oo ku saabsan kabaha cidhibta dheer leh ee ay Marwada koowaad ku labbisnayd markii ay Texas tegeysay.

Wargeyska Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa marka uu qorayey warka la xidhiidha labbiska marwo Melania waxa uu waxa uu ku tilmaamay, "Haba yaraato ee labbiskaasi uma uu qalmayn xaaladda” Wargeysku waxa uu sheekadan cinwaan uga dhigtay, "Suurtogal ma’aha in xaaladdan oo kale arrintan la fishaa”

Si kastaba ha ahaato ee labbiska afada madaxweynaha oo keliya warbaahintu maalintaas ma’ay saluugin, balse waxa ay warbixinahooda ku xuseen in dharka uu madaxweyne Trump laftiisu maalintaas xidhay aanay ku habboonayn booqashadiisan Texas. Talefishanka Skynews oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in wargeysyada Maraykanka ee arrintan sida aadka ah wax uga qoray qaarkood ay far waaweyn ku muujiyeen ereyo ay ka mid yihiin, "Madaxweynaha waxaaba la moodayey in uu u socdaalayo ciyaar kubadda golafka ah”