Rai'sul Wasaaraha Britain Oo Shaacisay Inay Bila Shurud Ku Difaacayso Amaanka Qarada Yurub

0
Friday September 29, 2017 - 13:47:35 in by salman abdi
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rai'sul Wasaaraha Britain Oo Shaacisay Inay Bila Shurud Ku Difaacayso Amaanka Qarada Yurub

    Rai'sul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in UK ay si shuruud la'aan ah ay uga go'an tahay difaaca iyo ammaanka Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rai'sul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in UK ay si shuruud la'aan ah ay uga go'an tahay difaaca iyo ammaanka Yurub.


Waxa ay hadal u jeedinaysay ciidamada UK ee ku sugan Waqooyiga Estonia, ka hor shirwaynaha lagu wado in madaxda Yurub ay ku yeeshaan caasimaddaTallinn.

Mrs May ayaa rajaynaysa in ay dhisto iskaashi dhanka ammaanka ah oo ay la yeelato Brussels islamarkana UK ay ka cawiso la dagaalanka danbiyada dhanka Internetka.

Rai'sul Wasaaraha Britain ayaa waxa lagu wadaa in ay kulan la yeelato hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

Ciidamo dhan 800 ayaa ku sugan Tapa tan iyo bishii April, waxaana ciidamadaasi ay wada shaqeeyaan kuwa Faransiiska iyo Estonian.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah kuwa gaashaanbuurta NATO ee goobtaasi ku sugan si looga hortago cabsida ka imanaysa Ruushka.

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo rai'sul wasaaraha Estonian Juri Ratas ayaa ku weheliyay booqashada Mrs May ay ugu tagtay ciidamadaasi.

Mrs May oo khudbad u jeedisay ciidamadaasi ayaa sheegtay in inkastoo ay UK ka baxayso midowga Yurub ay hadana si shuruud la'aan ah ay dhanka ammaanka ugala shaqayn doonto.