Digaaga Ugu Qaalisan Dunida

0
Tuesday February 25, 2014 - 02:51:50 in by Holland Office
  • Visits: 2448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digaaga Ugu Qaalisan Dunida

    Digaaga aduunka ugu qaalisan waxauu ku nool yahay wadanka ku yaala qaaraDa Asia ee Endonisia, waxaana weeye tafiir aad u naadir ah, ama yar iyadoo loo iib geeyo wadanka America, waxaana xabada kaliyaata qiimaheedu gaadhayaa $ 2500.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digaaga aduunka ugu qaalisan waxauu ku nool yahay wadanka ku yaala qaaraDa Asia ee Endonisia, waxaana weeye tafiir aad u naadir ah, ama yar iyadoo loo iib geeyo wadanka America, waxaana xabada kaliyaata qiimaheedu gaadhayaa $ 2500.


Hadaba ma rumaysan karaa in digaagani uu yahay digaag madaw, maaha kaliyaata baalka ee waa tin iyo cidhib dhuxul, laga bilaabo baalasha, Cadka ama jiidhka iyo xataa lafaha.

BMZXeMrCcAAeqd5

Inkaste oo ay tahay wax lala yaabo hadana digaagan ayaa waxa uu ku fadhiya carshiga "Digaaga ugu qaalisan dunida” isagoo isla markaasna haysta macmiil badan oo galin horeba lala kala yaaco iibkiisa sababtuna ay tahay dhadhan aad u wanaagsan oo uu leeyahay hilibkiisa madawga ahi, iyo waliba firfircooni iyo shaxshaxnimo uu ka qaado qofka cunaa.

Tafiirtan aadka u yar  ayaa waxa loogu yeedha "Digaaga Saalki ” oo macnaheedu yahay digaagii xariirta ahaa iyadoo loogu magac daray baalkiisa aadka u jilicsan waxaana loo iibsadaa xarago ahaan iyadoo wadamo kale oo China kamid yahayna loo isticmaalo qado ahaan "Super Meal” marka la fiiriyo macaankiisa iyo waliba nashaadka iyo firfircoonida uu siinayo cida cunta.

Waxaana isticmaala dumarka reer China gaar ahaan marka ay umulaan ama ilmo dhalaan iyadoo ay u cunaan si ay markiiba awoodooda ula soo noqdaan.

Diyaariye:Adnaan Shawahaaye