Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqangalay Waddanka Colombia Oo Uu 50 Sanno Dagaal Ka Socday

0
Monday October 02, 2017 - 10:59:20 in by salman abdi
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Xabad Joojin Ah Oo Ka Dhaqangalay Waddanka Colombia Oo Uu 50 Sanno Dagaal Ka Socday

    Xabad joojin kumeel gaar ah oo u dhaxaysa dowladda Colombia iyo kooxda mucaaradka ee ELN ayaa shalay ka dhaqangashay dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabad joojin kumeel gaar ah oo u dhaxaysa dowladda Colombia iyo kooxda mucaaradka ee ELN ayaa shalay ka dhaqangashay dalkaasi.



Ka dib in ka badan 50 sano oo dagaal ah ayaa hoggaamiyaha kooxdani oo lagu magacaabo,Gabino,waxa uu ku amray dagaalyahanadiisa in ay joojiyaan dhammaan howlaha dagaalka.

Xabad joojintan u dhaxaysa xukuumada Colombia iyo mucaaradka ELN ayaa lagu wadaa in ay socoto ilaa horraanta bisha January ee sanadka soo socda.

Ciidamada Jabhada ELN ayaa la rumaysan yahay in tiradooda ay dhan tahay 1500 oo dagaalyahan.

Madaxwayne Juan Manuel Santos ayaa sheegay in uu rajaynayo in heshiiskan uu noqon doono tillaabadii ugu horeysay oo loo qaado dhanka nabadda.

Dowladda Colombia iyo mucaaradka ELN ayaa tan iyo bishii February ku jiray wadaxaajood ay garwadeen ka ahayd dowladda Ecuador oo daris la ah dalkaasi.

Sanaddii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay xukuumadda Colombia ay heshiis nabadeed la saxiixatay kooxda mucaaradka ee FARC.

Heshiiska kooxda FARC ayaa waxa uu soo afjaray dagaal dalkaasi Colombia ka socday muudo ka badan 50 sano.