Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Ee USA Oo Soo Bandhigay Ujeedooyin Uu U Imanaya Somaliland .

0
Friday October 06, 2017 - 12:34:04 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Ee USA Oo Soo Bandhigay Ujeedooyin Uu U Imanaya Somaliland .

    Hargeysa(AFKA):-Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka Farxaan Axmed Muxumed ayaa ka hadlay sababo ku dhaliyey safar uu ku imanayo somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka Farxaan Axmed Muxumed ayaa ka hadlay sababo ku dhaliyey safar uu ku imanayo somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka oo war murtiyeed uu soo saaray soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews ayaa sheegay inuu ka qayb galo halganka uu xisbigu ugu jiro inuu ku guulaysato doorashada madaxtooyada ee soo socota.


"Maanta waa maalintii la wada garab istaagi lahaa murashaxiinta xisbiga kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, sababtoo ah dalka ayaaNuxurka warka uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka Farxaan Axmed Muxumed ayaa u dhignaa sidan.


maanta u baahan waayo waa murashixiin qaban kara waxyaabo badan oo loo baahan yahay marka loo eego murashaxiinta kale ee la tartamaysa.

 

Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa inay murashixiinta xisbiga Kulmiye yihiin qaar aqoon iyo waaya aragnimo u leh dalka iyo dadkaba, kuwaas oo wax lagu darsan karo laguna aamini karo masiirka umada somaliland, waana murashaxiin ilaahay hibo u siiyey inay qaataan go’aamo adag oo ay wadanka kaga saaraan marxaladaha la soo darsa iyo xaalad kasta oo u baahan in go,aan adag laga qaato.

Maanta somaliland waxay u baahan tahay hogaamiye kala dabaalan kara marxalada ay ku jirto kaas oo horseedi kara sinaan iyo cadaalad wada deeqda bulshada somaliland, waxaanan aragnaa in murashaxiinta xisbiga Kulmiye yihiin qaar ku haboon hogaaminta dalka.

Waxaan dhawaan imanayaa dalka aniga oo soo gaadhi doona Hargeysa marka ay taariikhdu tahay 13/10/2017, waxaanan wakhtigayga, maskaxdayda iyo muruqaygaba u hibeeyey oo aan ugu shaqaynayaa inay soo baxaan oo ay guulaystaan murashaxiintayda xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Ujeedooyinka ugu waa weyn ee aan dalka u imanayo waxa ka mid ah .

1. Inaan xoojiyo ololaha uu xisbiga kulmiye ugu jiro doorashada madaxtooyada.

2. Inaan ka qayb galo kor u qaadida wacyi gelinta doorashada ee taageerayaasha xisbiga kulmiye.

3. Inaan xisbigayga ku soo kordhiyo cudud fara badan oo taageerayaal ah kuwaas oo ku kala nool gobolada dalka si ay codkooda u siiyaan murashaxiinta xisbiga Kulmiye.

4. Inaan dhalinyarada xisbiga Kulmiye la wadaago barnaamij siyaasadeedka xisbiga.

5. Inaan ka qayb galo xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta muraaqibiinta ka imanaya dalka maraykanka.

6. Inaan ka qayb galo talada iyo tababarida muraaqibiinta ka hawl gali doona goobaha codbixinta ee matalaya xisbiga Kulmiye.

7. Ugu dambayn waxaan farsamo tusaale iyo talo aan ka sido aqoonyahanada iyo xirfadlayaasha reer somaliland ee dalka maraykanka aan la wadaagi doonaa hogaanka xisbiga Kulmiye