Dowladda Sacuudiga Oo Beenisay Inay Tacadiyo Ka Gaystay Dalka Yaman

0
Saturday October 07, 2017 - 08:34:11 in by Burco Office
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Beenisay Inay Tacadiyo Ka Gaystay Dalka Yaman

    Dowladda Sacuudiga Oo Beenisay Inay Tacadiyo Ka Gaystay Dalka Yaman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga Oo Beenisay Inay Tacadiyo Ka Gaystay Dalka Yaman

Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa si wayn u beenisay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe oo isbahaysiga militari ee uu Sacuudiga hogaamiyo ku eedeeysay in dilal iyo dhaawac ay u gaysteen 700 oo caruur ah dalka Yaman.

Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Qaramada midoobe Cabdallah Al-Mouallimi ayaa ku tilmaamay warbixinta Qaramada Midoobe mid aan sax ahayn islamarkna marinhabaabin ah.


Waxa uu sheegay in isbahaysiga ay sameeyeen wax waliba oo kalaankooda ah si ay uga hortagan in waxyeelo ay soo gaarto dadka rayidka ah.

Sacuudiga iyo xulufadiisa waxaa lagu eedeeyya in ay duqaymo cirka ah la bartilmaameedsadeen iskuulo iyo Isbataalo.

Dalka Yaman waxa labadii sano ee ugu dambaysay ka socday dagaal sokeeye.

Dowladda Sacuudiga iyo xulufadeeda ayaa taageera u fidinaya dowladda madaxwayne Cabd-Rabu Mansour Hadi.

Howlgaladda ay Sacuudiga ka wadaan dalka Yaman ayaa ah kuwa lagu bartilmaameedsanayo kooxda Xuutiyiinta oo sanooyiin ka hor la wareegay qaybo badan oo dalkaasi Yaman kamid ah.