Shirkad Maraykana Oo Shaacisey In Ay Shaqaalaysiisey Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Ingiriiska Oo Muddo Bilaa Camal Ahaa

0
Saturday October 14, 2017 - 10:06:29 in by Burco Office
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Maraykana Oo Shaacisey In Ay Shaqaalaysiisey Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Ingiriiska Oo Muddo Bilaa Camal Ahaa

    Shirkad Maraykana Oo Shaacisey In Ay Shaqaalaysiisey Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Ingiriiska Oo Muddo Bilaa Camal Ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkad Maraykana Oo Shaacisey In Ay Shaqaalaysiisey Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Ingiriiska Oo Muddo Bilaa Camal Ahaa

David Cameron oo ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee waddanka Ingiriiska ayaa shaqo cusub ak helay kambani ku yaalla waddanka Maraykanka kadib in muddo ah oo uu bilaa camal ahaa tan iyo markii uu xilka Ra’iisal Wasaarenimo ee dalkaasi Ingiriiska isaga tagay oo iskii isku casilay kadib markii uu ku guul darraystay in uu shacabka dalkiisa taageero uga helo in ay ka sii mid ahaadaan midawga Yurub wakhtigaasi oo dalkiisa laga qaadayay aftidii ay dadka Ingiriiska ahi kaga baxayeen ururka midawga Yurub.


Shirkadda Lagu magacaabo First Data Corp. oo ah kambani laga leeyahay waddanka Maraykanka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii toddobaadkan waxa ay ku shaacisay in ay shaqaalaysiisay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Britain Mr. David Cameron oo shirkaddaasi u noqon doona la taliye dhinaca horumarinta mshaariicda ah iyada oo shirkaddani ka shaqayso in ka badan 100 waddan oo adduunka ah.
Sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee Reuters oo wargeyska Foore ka soo xiganayo warbixintan, Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska ayaa helaya shaqadii ugu horraysay ee uu qabto tan iyo markii uu xilka iska casilay isaga oo intaa wixii ka dambeeyey dalkaasi Britain ku ahaa nin bilaa camal ah wallow uu qabtay dhawr jeer arrimo shaqooyin mutadawacnimo ah oo aanu wax lacag ah ku qaadan jirin.
Af-hayeen u hadlay shirkadda First Data Corp oo ka shaqaysa arrimaha Tiknoolajiyada iyo dhukumantiyada kana hawl gasha in ka badan 100 waddan oo daafaha dunida ku kala yaalla ayaa waxa uu yidhi: "Kambaniga First Data Corp waxa u farxad ah in uu fursad shaqo siiyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Britain Mr. Cameron kaasi oo wakhtigan da’disu tahay 50 sano jir. Waxa sharaf weyn noo ah in aannu qaadano David Cameron oo ah shakhsi dunida si weyn looga yaqaano kaasi oo naga caawin doona sidii kambanigani suuqyo cusub ugu yeelan lahaa dunida dhaqaalihiisuna kor u sii kici lahaa. Waxa kale oo uu naga caawin doonaa in uu kor u qaado macaamiil cusub oo uu noo soo jiido iyo in magaciisu noqdo awood kambanigan dhaqaajisa waana noo sharaf” ayuu yidhi afhayeenkan u hadlay kambanigani.
David Cameroon ayaa tan iyo Bishii June ee sannadkii 2016 oo uu xilka Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska isaga tagay waxa uu ahaa nin aan wax hawl qaban isaga oo kaliya dhawr jeer lacago ka sameeyey khudbado uu ka jeediyey macaahid iyo goobo kale oo caan ah waxaanu u muuqdaa wakhtigan nin hawshaasi cusub ee uu qabanayo ku faraxsan.