Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump

0
Friday October 20, 2017 - 11:56:47 in by Burco Office
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump

    Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump

Dowlada Australia ayaa sheegtay in Kuuriyada waqooyi ay u soo qortay warqad furan baarlamaanka dalkaasi.

Warqadan ayaa dowladda Australia ugu baaqaysa in ay ka dheeraato siyaasadaha madaxwayne Trump.

Warqadan oo ka kooban hal bog ayaa ka digeysa waxa loogu yeeray tillaabooyiinka arxan darada iyo qayro masuulnimada ah ee maamulka madaxwayne Trump oo ku baaqaya cunaqabatayn ka dhanka ah Kuuriyada waqooyi iyo difaacida mab'da kowaad ee Mareykanka ee ku dhisan xorriyadda.

Warqadani ayaa lagu soo gabgabaynayaa eedeyn loo soo jeedinayo madaxwayne Trump oo ay Kuuriyada waqooyi ku eedeysay in uu caalamka u wado dhanka musiibo Niyukleer.

Rai'sul wasaaraha Australia ayaa sheegay in warqadan furan loo diray dhowr dal islamarkana ay dalkiisa ka soo gaartay safaarada Kuuriyada Waqooyi ee Indonesia.

Warqadan ayuu ku tilmaamay waxyaabaha ku qoran in ay ka kooban yihiin cabasho iyo caro ayna tahay calaamad muujinaysa in uu shaqaynayo cadaadiska Dublamaasiyadeed ee ka dhanka ah Kuuriyada waqooyi