Magaalo Aan Qof Dumar Ah Loo Ogolayn, Ragga Oo Kali Ahina Ku Nool Yihiin Iyo Sabab Layaab Leh Oo Haweenka Loogu Diiday!!

0
Sunday October 29, 2017 - 10:30:53 in by Burco Office
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalo Aan Qof Dumar Ah Loo Ogolayn, Ragga Oo Kali Ahina Ku Nool Yihiin Iyo Sabab Layaab Leh Oo Haweenka Loogu Diiday!!

    Magaalo Aan Qof Dumar Ah Loo Ogolayn, Ragga Oo Kali Ahina Ku Nool Yihiin Iyo Sabab Layaab Leh Oo Haweenka Loogu Diiday!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalo Aan Qof Dumar Ah Loo Ogolayn, Ragga Oo Kali Ahina Ku Nool Yihiin Iyo Sabab Layaab Leh Oo Haweenka Loogu Diiday!!

Waxajira mar walba macluumaad iyo xogo aanad hore u maqal oo layaabkeeda leh dad badanina marka ay maqlaan ku noqota arrin aad u layaab badan waana dabciga dunidan aan ku nool nahay in mar walba aad aragto xaalad layaab leh oo aad la tacajabto oo aanad markii hore maqal ama arag.


Dhacdooyinka la yaabka leh ee dunidan ka jira waxa ka mid ah akhristoow waddan ama dawlad aan haba yaraatee loo ogolayn qof dumar ah iyada oo kaliya dadka deegaankaasi ku nooli yihiin rag.

In badan dadka adduunku wax badan kama oga deegaankan oo ah dawlad gaar ah oo adduunku aanay xog badan ka hayn inkasta oo aanay ahayn dawlad la yaqaano oo aqoonsi caalami ah haysata haddana waxa loo aqoonsan yahay dawlad barakaysan sida ay aaminsan yihiin dadka Kiristaanka ah ee haysta madhabta Kaatoligu gaar ahaan Ortodhogoska.

Wargeyska Greece Times oo ka soo baxa caasimadda waddanka Giriigga oo arrinta deegaankan wax ka qoray ayaa sheegaya in dawladdan gaarka ah ee Barakaysani sida uu qoraalka u dhigay ay ku taallo ama ku dhacdo deegaanka buuralayda ah ee ATOS oo ku yaalla dhulka jasiirad la moodda ah ee ku dherersan buuralayda dhagxaanta badan ee ku dherersan xeebaha waddanka Giriigga waana dhul masaaxaddiisu dhan tahay in ka badan 40 Mayl oo ku yaalla cidhifka xeebta waddanka Giriigga ee gaar ahaan badda Aija.

Qisada haddaba layaabka leh ayaa ah in magaaladan oo gabi ahaanba dhismayaasheedu yihiin kaniisado taariikhi ah oo qarniyo hore la dhisay ay ka mamnuuc tahay in ay haweenku cagta soo dhigaan ama soo galaan iyada oo aan loo ogolayn gabi ahaanba kaliyana loo ogol yahay in ay magaalada soo galaan ama kaniisadahan ay ka dhex shaqeeyaan raggu, gaar ahaan ragga baadariyadaha ah ee wadaadada kiristaanka ah. Sababta sidan ay u yeeleen wadaadadani waxa ay tahay iyaga oo aaminsan in haweenku aanay daahir ahayn sidaa darteed aan loo ogolayn in ay goobtan barakaysan cagaha soo dhigaan iyaga oo ku sheegay in halkani tahay halkii ay muddo ku noolayd Maryama Al Cadraa oo ahayd Nabi Ciise Hooyaddii sidaa darteed ay tahay goob barakaysan oo aan haweenka loo ogolayn.
Wargeysku waxa uu sheegay in wadaadada deegaankan joogaa ku doodadaan in si ay u ilaaliyaan muqaddasnimada goobtan ee daahirnimadeeda ay haweenka ugu mamnuuceen waana taariikh soo jireen ah oo kumannan sano soo taagnayd in aanay haba yaraatee dhulkan lagu arag qof haween ah maadaama ay aaminsan yihiin in haweenku waxyeelo u gaysanayaan daahirnimadeeda waana caado layaab leh. Qaramada Midoobay waxa ay deegaankan u aqoonsan tahay goob diimeed oo taariikhi ah.