Hoggaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq Oo Laga Yaabo Inuu Is-casilo Iyo Sababta
Wararka laga helayo dalka Ciraaq waxaa ay sheegayaan in hogaamiyaha Kurdiyiinta Masoud Barzani uu ku dhawyahay inuu xilka baneeyo toddobaadyo un kaddib markii uu gobolka Kuyrdiyiinta ee madaxda ka yahay ee waqooyiga Ciraaq ay ka dhacday afti murran badan dhalisay.
Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq ayaa sheegay inay ka go’een Ciraaq inteeda kale.
Sarkaal Kurdish ah ayaa sheegay in Barzani uusan kordhin doonin muddo xileedkiisa marka la gaaro kowda bisha Nofembar, waxaa la rumeesanyahay in ku dhawaaqista iscasilaada madaxweyne Barzani looga dhawaaqi doona barlamaanka Kurdiyiinta maalinta axada.
Milateriga dowladda Ciraaq ayaa dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waday dullaan ka dhan ah xoogaga Kurdiyiinta si ay gacanta ugu dhigaan gobolka saliida qaniga ku ah ee Kirkuk.
Waxaana tallaabada Kurdiyiinta ay ku doonayaan inay kaga go’aan Ciraaq inteeda kale kasoo horjeystay dalal ay kamid yihiin Turkiga iyo Iran.
Hoggaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq Oo Laga Yaabo Inuu Is-casilo Iyo Sababta
Hoggaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq Oo Laga Yaabo Inuu Is-casilo Iyo Sababta