Aabbo Nus-qarni Ka Dib, Helay Inantiisa Oo Xasuuq Dalkooda Ka Dhacay Kala Lumiyey Iyo Xiisaha Ku Lamaan Midowgooda Dambe

0
Thursday November 02, 2017 - 11:09:39 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabbo Nus-qarni Ka Dib, Helay Inantiisa Oo Xasuuq Dalkooda Ka Dhacay Kala Lumiyey Iyo Xiisaha Ku Lamaan Midowgooda Dambe

    Aabbo Nus-qarni Ka Dib, Helay Inantiisa Oo Xasuuq Dalkooda Ka Dhacay Kala Lumiyey Iyo Xiisaha Ku Lamaan Midowgooda Dambe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aabbo Nus-qarni Ka Dib, Helay Inantiisa Oo Xasuuq Dalkooda Ka Dhacay Kala Lumiyey Iyo Xiisaha Ku Lamaan Midowgooda Dambe

Leonard Sefarinda oo ah Aabe 73jir ah ayaa saddex iyo labaatan sanadood kadib arkay Inan uu dhalay oo xilligii uu xasuuqu socday agoon ahaan looga qaaday dalka Ruwanda oo la geeyey dalka Talyaaniga, halkaasi oo lagu siiyey waalidiin kale oo Kenya u dhashay si ay korsadaan.

Perneta Chiapello, ayaa bishan gudaheeda ku soo noqotay dalkeedii si ay u aragto Aabaheed Leonard Sefarinda, kadib markii walaalkeed oo muddo badan ka dib uu ku guuleystay helitaankeeda.

Sefarinda oo ka quustay inuu mar kale inantiisa arko inta uu noolyahay ayaa ugu dambayntii la kulmay Inantiisii Jiabelo oo magaceedii hore ee asalka ahaa uu ahaa Beata-Nipramhahazi.

Jiabelo iyo Walaasheed ayey hooyadeed oo qoomiyadda tuutsiga kasoo jeedday ay ula carrartay kiniisad ku taala magaalada Nyamata, halkaasi oo ay filaysay inay naftooda kaga badbaadin karto gummaadkii socday, balse kiniisaddaasi kagamay baxsan weeraryahanadii Huutuuga, kuwaasi oo banbooyin iyo warmo lasoo beegsaday dhismaha kaniisadda, kuna dilay toban kun oo qof oo ka mid ah dadkii gaboodka ka dhigtay, kiniisaddani waxay haatan ka mid tahay taalooyinka lagu xasuusto xasuuqii dalkaasi soo maray.

Gummaadkaasi ka dhacay gudaha kaniisaddaasi ayaa laga dhex helay gabadhan yar ee Chiabelo oo nool oo ku hoos jirta meydad badan oo goobtaasi yaalay, waxaana meydadkaasi ka mid ahaa Hooyadeed iyo laba carruur ah oo ay walaalo ahaayeen, sidaasi awgeedna waxa loo qaaday meel agoonta lagu koriyo.

Aabaheed waxa xilligaasi la dhuuntay saddex carruur ah oo kale oo uu dhalay, waxaanay ku qaadatay maalmo intii uu raadinayey inantiisa, kadibna waxa uu helay iyada oo ka mid ah boqolaal carruur ah oo Xasuuqaasi ku waayey Qoysaskoodii.

"Waan xaqiiqsaday inay tahay inanteydii Beata, xattaa ilko caddayn ayey dibnaha isku xejin kari weyday” ayuu yidhi Aabaheed markii ay i aragtay”, waxa kale oo uu intaasi ku daray sababihii uu uga tagey Inantiisa "Waxaan doonayey in aan kusoo noqdo marka aan carruurta kale badbaadiyo ee aan meel ku hubsado, taasi oo aan qorsheeyey sidii aan dhammaantood u dabari lahaa noloshooda”.

Sabarinda, intii uu maqnaa ayaa Inantiisa oo ka mid aheyd carruur tiro badan oo ku agoomoobay masiibada dalkaasi ka dhacday loo qaaday dalka Talyaaniga, si loogu helo cid kafaalo qaada Noloshooda, laakiin markii uu soo noqday ee uu ka war helay in aanay inantiisii joogin halkii uu kaga tegay ayaa waxa kaliya oo loo sheegay in la geeyey Talyaaniga, wax xog ah oo laga siiyey xarunta Agoomaha ee ay ku sugantahayna muu jirin.

Ubad badan oo kale oo Ruwanda ah ayaa sidan oo kale loogu dhoofiyey dalalka Reer Yurub.

Sanadkii 1997 ayaa dedaal ay samaysay Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysaa uu keenay in 92 ka mid ah ubadkaasi dib looga soo celiyo dalka Talyaaniga, wallow ay qaar badani ku sugan yihiin weli, iyadoo marar badan uu Madaxweynaha dalkaasi Paul Kagame uu ka codsaday dawladda Talyaaniga inay ubadkaasi ku soo celiso dalkooga.

Walaalkeed Vincent Twizeyimana ayaa muddo toban sanadood ah ku jiray baadidoonka walaashii Chiapello oo uu raadinteeda ka bilaabay xaruntii agoomaha oo ku taalay Ruwanda oo aheyd halkii ugu dambaysay ee lagu arkay, wuxuuna u hawlgalay sidii uu u heli lahaa meel uu kala xidhiidho ama sawiradeeda iyo waliba Email.

Ugu dambayntii, markii lays baray ee uu ku guuleystay helitaankeeda, Chiapello way ku qanci weyday warkiisa, waxaanay u sheegtay inuu ku qaldayo qof kale oo ay tahay iyadu Agoon aan cid ku lahayn adduunyada, inkastoo ay sanadkan horraantiisa ay walaalkeed kula kulantay barta Facebook ee bulshadu ku wada xidhiidho, waxaanay walaalnimadaasi ku qanacday markii shaybaadh lagu sameeyey Hidda sidahooga (DNA), kaasoo caddeeyey walaaltinimadaasi.

Dhinaca kale, iyada oo uu la socdo Ninkeeda Talyaaniga ahi ayey bishan timid degmada Ntarama Bugesera, si ay ula kulanto oo ay u barato qoyskeeda, waxaana lagu soo dhaweeyey dabaal-deg dhaqan oo lagu muujiyey farxadda dib-u-helisteeda, muddadaasi dheer kadib.

Waxaana xusid mudan inay wax yar ka taqaano afkeedii hooyo, waxaanay u baahantahay turjumaan si ay isku fahmaan qoyskeedii iyo qaraabadeedii oo ay uga sheekayso noloshii iyo waayihii Agoonimo ee ay soo martay intay kala maqnaayeen, iyo Qoysaskii kala duwanaa ee koritaankeeda ka soo qayb qaatay, waxaanay tidhi "In badan ayaan ka hadlay halkaan ka soo jeedo iyo Afrikaanimadayda, maantase waxaan helay halkii uu ka yimid xiddidkeygu oo ah Aabihii I dhalay”. Ayey tidhi Chiapello