Duullaan "oo kali ah" unbaa dabka lagaga dhigi karaa Kuuriyada Waqooyi

0
Monday November 06, 2017 - 10:25:14 in by Burco Office
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duullaan "oo kali ah" unbaa dabka lagaga dhigi karaa Kuuriyada Waqooyi

    Hogaamiyihii Maamulka Catalonia Oo Damaanad Lagu Sii Daayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyihii Maamulka Catalonia Oo Damaanad Lagu Sii Daayay.

Qiimayn ay samaysay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in sida kali ah ee lagu burburin karo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ay tahay in duullaan dhulka ah lagu qaado.

Adhmiraal Michael Dumont ayaa arrintaas ku qoray waraaq uu u diray Ted Lieu oo ka tirsan Congress-ka isaga oo u hadlaya masuuliyiinta milatariga.

Dumont ayaa sheegay in ay aad u adkaan doonto in la qiimeeyo dadka ku dhiman doona dagaalkaas.

Sidoo kalana wuxuu faahfaahin ka bixiyay sida uu dagalku u kaan karo saacadaha u horreeya.

"Sida kali ah ee lagu ogaan karo laguna burburin karo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyadoo la hubo waa in guluf colaadeed oo dhulka ah lagu qaado," sidaas ayuu kaga jawaabay su'aal uu soo waydiiyay Lieu oo aqalka Congress-ka ka tirsan.

Halista arrintan ka dhalan karta waxaa ka mid ah in Kuuriyada Waqooyi ay ku jawaabto hub Nukliyeer ah inta Maraykanku uu isku dayayo in uu curyaamiyo hubka dhulka hoostiisa lagu aasay.

"Sharaxaado intan ka faahfaahsan waxaa lagu bixin karaa kulan qarsoodi ah." ayuu hadalka sii raaciyay.