Maraykana Oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Inay Si Deg Deg Ah Uga Baxaan Muqdisho, Qaraxyo Ka Dhacaya Dartood

0
Monday November 06, 2017 - 10:56:50 in by Burco Office
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykana Oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Inay Si Deg Deg Ah Uga Baxaan Muqdisho, Qaraxyo Ka Dhacaya Dartood

    Maraykana Oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Inay Si Deg Deg Ah Uga Baxaan Muqdisho, Qaraxyo Ka Dhacaya Dartood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykana Oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Inay Si Deg Deg Ah Uga Baxaan Muqdisho, Qaraxyo Ka Dhacaya Dartood

Dawladda Maraykanka ayaa ku amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee u dhashay Maraykanka inay si deg deg ah uga baxaan magaaladda muqdisho ee dalka Somaliya.Warkan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in weeraro argagixiso oo lala beegsanayo muwaadiniintooda ay ka dhici karaan Muqdisho.


Warkan oo lagu daabacay bogga internetka ee xafiiska howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu toos ugu socdaa muwaadiniinta iyo shaqaalaha maraykanka ee Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda muqdisho

Dowladda Maraykan waxay sheegtay in dhibaatada dadka Maraykanka soo gaadhaya ay ka hortagayaan kagana digayaan goobaha khatarta leh ee ay dhici karto in weeraro kusoo qaadaan kooxaha Argagixisada sida Al-shabaab, iyo ISIS.

Muwaadiniinta Maraykanka ee caadiga ah ayaa hore looga digey in ay u safraan Soomaaliya oo Maraykanku ka fuliyo weeraro dhinaca cirka iyo dhulka ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab iyo Daacish, waxaana ugu dambeeyay duqayntii cirka ee ka dhacday gobolka bari, taasi oo maraykanku sheegtay in diyaaradihiisu fuliyeen.