Trump oo Xi ugu baaqay "in uu dadaal badan galiyo" arrinta Kuuriyada Waqooyi

0
Thursday November 09, 2017 - 12:12:37 in by Burco Office
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Xi ugu baaqay "in uu dadaal badan galiyo" arrinta Kuuriyada Waqooyi

    Trump oo Xi ugu baaqay "in uu dadaal badan galiyo" arrinta Kuuriyada Waqooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo Xi ugu baaqay "in uu dadaal badan galiyo" arrinta Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ugu baaqay "in uu aad uga shaqeeyo sidii Kuuriyada Waqooyi ay uga tanaasuli lahayd hubka nukliyeerka ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay "in uusan Shiinaha ku eedaynaynin" in ay "ka faa'iidaysteen" Maraykanka, isaga oo ula jeeda ganacsiga ay labada dal lee yihiin een dheelitirnayn.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu u jeediyay kulanka hogaamiyeyaasha ganacsatada oo Beijing ka dhacay, isaga oo halkaas u jooga booqasho qayb ka ah safarka uu Aasiya ku marayo.

Labada hogaamiye ayaa kulan yeeshay ammin hore oo Khamiistii ah, ka dib markii si cajiib ah Trump loogu soo dhaweeyay caasimadda Shiinaha.

Ajendaha Trump waxaa hareeyay faaqidaadda ku saabsan haliska gobolka kaga soo fool leh Kuuriyada Waqooyi. Shiinaha ayaana ah dalka ugu wayn ee xiriir dhaqaale la leh Pyongyang.

Xi iyo Trump ayaa ku dhawaaqay in labadooda dal ay kala sixiixdeen 250 bilyan oo doolar oo heshiisyo ganacsi ah intii uu Trump joogay Shiinaha, laakiin ma cadda tirada lacagtaas ka midka ah ee heshiisyadii hore oo dib loo shaaciyay ama kuwo cusub loo tabaan karo ka ah.

Qaybtii hore ee safarka uu shanta dal ku marayo Trump wuxuu Kuuriyada Waqooyi ku booriyay in ay galaan heshiis ay ku soo afjarayaan barnaamijkooda hubka nukliyeerka ah, isaga oo dhanka kalana uga digay daandaansi kale oo ka dhan ah Maraykanka iyo dunida inteeda kale.

Shiinaha ayuu dhanka kalana ugu baaqay in uu calaaqaadka u jaro Kuuriyada Waqooyi, isaga oo ku celiyay baaqiisii ahaa in Beijing ay sare u qaado cadaadiska. Shiinaha ayaa ku celceliyay in uu samaynayo wax kaste oo karaankiisa ah, uuna si buuxda u dhaqan galinayo cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

Donald Trump is greeted by Chinese children and soldiers on his arrival in BeijingLahaanshaha sawirkaREUTERS

Hogaamiyaha Maraykanka ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsatada, amin dambe oo Khamiista ahna casho madaxtooyada ka dhacaysa ayuu ka qaybgali doonaa.

Trump ayaa Beijing u duulay Arbacadii "si wayn" ayaana loo soo dhaweeyay.

Arrintaas ayaa Trump ku qaaday in uu si degdeg ah ugu mahadceliyo madaxweyne Xi.

Trump ayaa afar Twitter soo qoray tan iyo intii uu booqashada ku tagay Shiinaha, halkaas oo Twitter-ku mamnuuc ka yahay.

Laakiin Aqalka Cad ayaa saxafiyiinta u sheegay "in uu Twitterka ku soo qori karo waxkasta oo uu rabo"

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump
View image on TwitterView image on TwitterView image on TwitterView image on Twitter
 

Looking forward to a full day of meetings with President Xi and our delegations tomorrow. THANK YOU for the beautiful welcome China!@FLOTUSMelania and I will never forget it!

 
 

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump

Ka gudub Twitter daabacaad 2 W.Q @realDonaldTrump
 

On behalf of@FLOTUSMelania and I, THANK YOU for an unforgettableafternoon and eveningat theForbidden City in Beijing, President Xi and Madame Peng Liyuan. We are looking forward to rejoining you tomorrow morning!https://twitter.com/AFP/status/928179585832779776…

 
 

Dhammaadka Twitter daabacaadda 2 qore @realDonaldTrump

Trump ayaa Shiinaha u jooga booqasho uu ku marayo shan dal oo Aasiya ku yaalla, wuxuuna soo maray Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, toddobaadka soo socdana wuxuuna sii mari doonaa Vietnam iyo Philippines.

Grey line separator

Trump muxuu ilaa iyo hadda ka qabtay Aasiya

  • Kuuriyada Waqooyi ayuu uga digay in aysan isku taagin Maraykanka iyo adduunka
  • Wuxuu ku baaqay in Kuuriyada Waqooyi "ay timaado miiska wadahadalka" si ay u galaan heshiis hub dhigis ah
  • Wuxuu sheegay in Japan iyo Kuuriyada Waqooyi ay gadan doonaan qalab milatari oo Maraykanku sameeyay si ay u soo ridaan gantaallada Kuuriyada Waqooyi - masuuliyiinta labadaas dalse waxay sheegeen in ka baaraandagayaan.