Madaxwaynaha Dalka Yemen iyo Qoyskiisa Oo Xabsi Guri Sucuudiga Ah Lagu Xidhay.

0
Thursday November 09, 2017 - 12:12:37 in by Burco Office
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Dalka Yemen iyo Qoyskiisa Oo Xabsi Guri Sucuudiga Ah Lagu Xidhay.

    Madaxwaynaha Dalka Yemen iyo Qoyskiisa Oo Xabsi Guri Sucuudiga Ah Lagu Xidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Dalka Yemen iyo Qoyskiisa Oo Xabsi Guri Sucuudiga Ah Lagu Xidhay.

Abdulrabi Mansuur Hadi ayaa xabsi guriga la geliyey kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Dowlada Imaaraatiga oo ay xulafo yihiin Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inay u diiday Madaxweynaha Yemen inuu dalkiisa ku noqdo. Hadi qaar kamid ah Wiilasha u dhalay iyo Saraakiisha Yemen ee ku suganaa wadanka Sacuudiga ayaa laga horjoogsaday inay tagaan magaalada Cadan.

Hadi iyo qaar kamid ah Saraakiisha dowladiisa ayaa tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkan ku sugan magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Warar ay bixiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Yemen oo ku sugan Cadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dowlada Sacuudiga ka hortaagan tahay in Hadi iyo qoyskiisa ay ku noqdaan wadankooda.


 

Bishii Agoosto ayaa Airportka magaalada Riyadh laga soo celiyey Hadi iyo koox la socotay oo xiligaasi doonayey inay tagaan magaalada Cadan ee caasimada Kumeel gaarka u ah dowlada Yemen.

Sacuudiga ayaa ku doodaya in aysan xiligan amaan ahayn magaalada Cadan oo ay u baqayaan waxyeelo soo gaarto Madaxweynaha Yemen iyo xubnaha la socday.

Madaxweynaha Yemen ayaa bilihii lasoo dhaafay marar badan Qoraalo u qoray Boqorka Sacuudiga Salmaan isagoo ka codsaday in loo fasaxo inuu tago dalkiisa Yemen, walow Boqorka Sacuudiga uusan weli uga soo jawaabin qoraaladaasi ayey yiraaheen qaar kamid ah saraakiisha dowlada oo warbaahinta la hadlay.

Balse xabsi guriga uu ku jiro Hadi ayaa la sheegayaa inay la xariirto murran ka dhex taagan Madaxweynaha Yemen iyo Dowlada imaaraatiga oo kamid ah xulafada Sacuudiga ee ku jirta dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Imaaraatiga ayaa ku eedeenaya Hadi arrimo la xariira musuq maasuq iyo waliba xiriirka uu laleeyahay kooxda AL Islaax oo hoos tagta Ikhwaan Muslimiinka. Hadi ayaa isku dayey inuu golihiisa Wasiirada ka casilo Wasiirada taageerada ka hela Imaaraatiga walow taasi uusan weli ku guuleysan.

Dowlada Imaaraatiga ayaa iyadu hada ah tan ugu awooda badan koonfurta dalka Yemen, isla markaana magaalada Cadan ka dhistay ciidamo xoogleh oo iyaga toos uga amar qaata kuwaasi oo aan hoos tagi dowlada Hadi.

Cali Cabdalah Saalax oo isna xabsi guri ku jira
Dhinaca kale waxaa isagana lagu soo waramayaa inuu xabsi guri ku jiro magaalada Sanca Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax oo ay xabsi guri kusoo rogeen kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Cali Cabdallah Saalax ayaa xiligii uu dagaalka ka bilowday dalka Yemen la saftay Xuuthiyiinta isagoo weli ku leh dalkaasi ciidamo ka amar qaata, balse bilihii lasoo dhaafay ayaa la sheegayaa inuu khilaaf soo dhexgalay Mr.Saalax iyo Xuuthiyiinta taasi oo soo dadajisay in isagana xabsi guri lagu geliyo caasimada Sanca oo ay ka taliyaan Xoogaga Xuuthiyiinta.

Heerkii ugu Xumaa ee dagaalka
Dagaalka ka socda dalka Yemen ayey Qaramada Midoobay Salaasadii shalay sheegtay inuu marayo heerkii ugu xumaa, iyadoo Diyaaradaha Sacuudiga ay sii xoojiyeen duqeynta ay ku wadaan dalkaasi.

Dhinaca kale Walaaca ugu weyn ee hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ah xayiraada cirka, dhulka iyo badda oo ay Sacuudiga saareen wadanka Yemen, tilaabadan oo khatar ku ah 7 milyan oo qof ee wadankaasi Yemen ee u baahan gargaarka deg degta ah ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay.

Sacuudiga ayaa sare u qaaday duqeynta Yemen iyo xayiraada kadib gantaalkii habeenkii Sabtida ay kooxda Xuuthiyiinta ku tuureen Madaarka caalamiga ah ee magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.