Bas is wada oo maalintii ugu horeysay shil galay

0
Thursday November 09, 2017 - 12:31:46 in by Burco Office
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bas is wada oo maalintii ugu horeysay shil galay

    Bas is wada oo maalintii ugu horeysay shil galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bas is wada oo maalintii ugu horeysay shil galay

Baska waxaa saarnaa dhowr qof oo rakaab ah wuxuuna ku dhacay gaari xamuul ah oo si aayar ah u socday.

Qofna kuma dhaawacmin shilka. Saraakiisha gobolka ayaa dareewalka gaariga xamuulka ku eedeeyay in uu sabab u ahaa dhacdada. Booliska ayaana u jaray warqad ganaax ah.

Baskan waa kii ugu horeeyay ee is wada oo loo adeegsado jidadka dad waynaha ee Mareykanka.

Shilka ayaa imaanayo maalin ka dib markii shirkadda Waymo oo Google leedahay, ay shaacisay in ay bilawday bas keligii is kexeynaya oo tagsi ah.

Baska oo ka shaqeynaya magaalada Las Vegas, waxaa loo diyaariyay in uu qaado rakaabka, wuxuuna ku soconayaa qad ay diyaarisay shirkadda Navy oo Faransiiska laga leeyahay.

Wuxuu baskan qaadi karaa 15 qof, wuxuuna saacaddii ugu yaraan jarayaa 45km, laakiin, sida caadiga ah wuxuu ku soconayaa 25km saacadii.

Afhayeen u hadlay maamulka Las Vegas wuxuu BBC-da u sheegay in shilka uu ahaa "mid yar" baskana uu dib u howlgali doono maanta, ka dib markii tajiibo kale lagu sameeyay.

Tiknolojiyadda noocan ah waxaa lagu tijaabiyay Vegas, horraantii sanadkanLahaanshaha sawirkaNAVYA
Image captionTiknolojiyadda noocan ah waxaa lagu tijaabiyay Vegas, horraantii sanadkan

Gawaarida aan dareewalka saarnayn ee teknolojiyadda ku shaqeeya ayaa horey shilal u galay, balse waxaa la sheegay in dhammaan shilalkaasi ay sababeen dad.

Horraantii sanadkan, gaari yar oo dareewal la'aan ahaa oo ay tijaabineysay shirkadda Uber ayaa gadoomay ka dib markii darewal kale uu u banneyn waayay waddada.