Obama oo xeer-beegti ku biiray balse shaqada laga diray !

0
Friday November 10, 2017 - 09:30:51 in by Burco Office
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo xeer-beegti ku biiray balse shaqada laga diray !

    Obama oo xeer-beegti ku biiray balse shaqada laga diray !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Obama oo xeer-beegti ku biiray balse shaqada laga diray !

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa maanta loogu yeeray in uu ka mid noqdo xeer-beegtida garsoorka magaalada Chicago, balse xoogaa markii uu maxkamadda joogay ayaa xaakimkii ugu sareeyay uu fasaxay.

Boqolaal dad ah ayaa ku xoomay maxkamadda si ay sheedda uga arkaan Obama oo gudanaya mid ka mid ah waajibaadkiisa muwaadhinimo.

Lama sharixin sababta loo fasaxay, balse waa wax iska caadi ah in qof loogu yeero in uu xeer-beegtida kasoo mid noqdo, haddane aanan wax dacwad gaar ah loo xilsaarin.

Madaxweynihii hore ayaa horay u ahaan jiray macalin xagga qaanuunka, islamarkaasina guri ku leh magaalada Chicago.

Xaakimka degmada Cook County Timothy Evan ayaa sheegay hadda wax shaqo aanan looga baahnayn madaxweynaha.

Dadkii halkaas isugu yimid ayaa qaarkood horay usoo qaatay buug uu Obama qoray si uu isaga ugu saxiixo, halka qaar kalena ay sawir la galayeen.

Mid ka mid ah dadkii xeer-beegtida loogu yeeray ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegtay sidan "Waxaan dareemay sidii burcad sii dhalaalaya oo kale, markii aan gacanta ku salaamay Obama".

Katie Hill oo ah agaasimaha warbaahinta ee Obama ayaa sheegtay in madaxweynihii hore uu aaminsanyahay "xafiiska ugu muhiimsan ee dimoqoraadiyadda ayaa ah kan muwaadhinimadda, wuxuuna aaminsanyahay in xeer-beegtida ay ka mid tahay waajibaadka ugu waaweyn ee qofka muwaadhinka ah".

Sanadkii 2010-kii ayaa sidan oo kale loogu yeeray Obama, balse waxa uu ku guuleystay in dib loogu dhigo, sababtana waxa ay ahayd in uu balan hore la lahaa madaxweynaha dalka Kurdistan.

Sanadkii 2015-kii, madaxweynihii hore George W Bush ayaa sidoo kale ka mid noqday xeer-beegti dhagaysatay dacwado kala duwan magaalada Dallas, ee gobolka Texas. Balse isaga laftiisa ayaa la fasaxay.

2013-kii Bill Clinton ayaa sidoo kale loogu yeeray magaalada New York ka hor intii aanan la fasixin.