La Taliyihii Hore ee Amaanka Qaranka Maraykanka Oo Lagu Eedeeyey Fadeexado Musuq-maasuq.

0
Saturday November 11, 2017 - 10:17:35 in by Burco Office
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Taliyihii Hore ee Amaanka Qaranka Maraykanka Oo Lagu Eedeeyey Fadeexado Musuq-maasuq.

    La Taliyihii Hore ee Amaanka Qaranka Maraykanka Oo Lagu Eedeeyey Fadeexado Musuq-maasuq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Taliyihii Hore ee Amaanka Qaranka Maraykanka Oo Lagu Eedeeyey Fadeexado Musuq-maasuq.

Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa aqalka cad ee Mareykanka ayaa la sheegay in loo soo bandhigay lacag dhan 15 milyan oo doolar si uu gacan uga gaysto in si qasab ah looga soo qaado Mareykanka dibna loogu soo celiyo Trukiga wadadaa u dhashay dalkaasi.

La taliyihii hore ee ammaanka qaranka Mareykanka Michael Flynn iyo wiilkiisa ayaa la sheegay in ay arrintani wadaxaajood kala yeesheen wakiilo ka socday Turkiga ,sida uu bahiyeen talafishinka NBC News iyo jariirada Wall Street .

 


Eedeyntan ayaa la sheegay in imika la baadhayo islamarkana ay qayb ka tahay baaritaanada socdo ee ku aadan in Ruushka ay faragalin ku sameeyeen doorashaddii Mareykanka.

Mr Flynn ayaa xilka ka dagay ka dib eedeymo ku saabsana in uu la kulmay danjiraha Ruushka u fadhiya mareykanka.

Eedeynta ku saabsan in la maleegayay in wadaadka lagu magacaabo, Fethullah Gulen,loo gacangaliyo Turkiga ayaa markii ugu horreysay waxa shaaciyay bishii March agaasimihii hore ee CIA James Woolsey.

Hasa yeeshee Michael Flynn ayaa wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedeeymaha loo soo jeediyay.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay Mr Gulen, oo ku nool gobolka Pennsylvania,ee Mareykanka in uu ka dambeeyay af gambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay sanaddii aanu soo dhaafnay.

Mr Gulen ayaa lagu tilmaamaam in uu yahay nin ay siyaasad ahaan si wayn isaga soo horjeedaan madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Tan wixii ka dambeeyay af gambigii ka dhacay Turkiga waxa ay xukuumadda Turkiga ugu baaqaysay dwoladda Mareykanka in loo soo gacan galiyo Mr Gulen.