Diyaarado Lagu Xaraashay Iibka Internet-ka Iyo Qiimaha Lagu Iibinayay

0
Wednesday November 22, 2017 - 11:35:56 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Lagu Xaraashay Iibka Internet-ka Iyo Qiimaha Lagu Iibinayay

    Diyaarado Lagu Xaraashay Iibka Internet-ka Iyo Qiimaha Lagu Iibinayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado Lagu Xaraashay Iibka Internet-ka Iyo Qiimaha Lagu Iibinayay

Labo diyaaradoo oo waaweyn oo ah nooca Boeing 747 ayaa lagu iibiyay lacag dhan $48 milyan oo doolar, iyada oo lagu xaraashay barta iibka Internetka ee Taobao ee dalka Shiinaha laga leeyahay.


Diyaaradahan ayaa ka haray shirkad musalaftay, waxaana muddo dheer la raadinayay ciddii iibsan lahayd. Lix jeer oo horey oo si caadi ah loosoo bandhigay si loo iibsado ayay suurtogali weysay.

Waxaa iibsatay shirkadda diyaaradaha ee Shiinaha laga leeyahay ee SF Airlines, taas oo xaraashka kaga badisay 25 shirkadood kale oo danaynayay in ay iibsadaan.

Shirkadda Jade Cargo International oo diyaaradahan lahayd ayaa suuqa ka baxday , waxayna doonaysaa in hantideedii ay iska xaraashto. Wali waxaa u dhiman diyaarad saddexaad oo aanan laga iibsanin.

Iibka internetka ayaa ah mid muhiimadiisa ay sii kordhayso, waxayna dadka intooda badan doorbidaan in ay wax ka iibsadaan internetka.