Madaxwaynaha Dalka Cuba Raul Castro Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi

0
Saturday November 25, 2017 - 09:54:04 in by salman abdi
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Dalka Cuba Raul Castro Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi

    Madaxwaynaha dalka Cuba, Raul Castro ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha dalka Cuba, Raul Castro ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho .


Telefishinka dalka Cuba ayaa baahiyay in labada masuul ay ka wadahadleen mowduucyo la xiriira danaha labada dal.

Kulankooda ayaa ku soo beegmaya xilli ay beesha caalamka raadinayso qaab lagu dajin karo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan hubka Niyukleerka.

Horraanti toddobaadkan Havana iyo Pyongyang ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku canbaareynayaan Mareykanka.

Balse madaxda Cuba iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in muranka Washinton iyo Pyongyang lagu xaliyo si nabad ah.

Dalka Cuba ayaa xiriir dhaw oo dhanka dublamaasiyada ah la lahaa Kuuriyadda waqooyi tan iyo sanadii 1960,balse Cuba waxa ay ka soo horjeed hubka Niyukleerka.

Xiriirka u dhaxeeya dalalkan iyo Mareykanka ayaa ah xilligan mid aan wanaagsanayn.