AKHRISO GOBOLADDA LAGU KALA CALAF QAADEY EE BIYO CULUSTA U FADHIYEY GUUSHA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY IYO SHAXDA CODODKA LAYSUGU AWOOD SHEEGTAY.

0
Saturday November 25, 2017 - 16:22:14 in by Burco Office
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO GOBOLADDA LAGU KALA CALAF QAADEY EE BIYO CULUSTA U FADHIYEY GUUSHA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY IYO SHAXDA CODODKA LAYSUGU AWOOD SHEEGTAY.

    AKHRISO GOBOLADDA LAGU KALA CALAF QAADEY EE BIYO CULUSTA U FADHIYEY GUUSHA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY IYO SHAXDA CODODKA LAYSUGU AWOOD SHEEGTAY.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRISO GOBOLADDA LAGU KALA CALAF QAADEY EE BIYO CULUSTA U FADHIYEY GUUSHA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY IYO SHAXDA CODODKA LAYSUGU AWOOD SHEEGTAY.
ababaha Loo Aaneynayo In Xisbiga Kulmiye Ku Soo Baxay Iyo Sababaha Loo Aaneynayo In Xisbiyada Mucaaradka Lagaga Guuleystay, Gudaha Ka Akhti Shaxda.
 
 
Tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada in uu helay murrashaxa Muuse Biixi waxaa hadal haynta ugu badani ka dhalatay gobolada madaxweynaha la doortay kugu awood sheegtay murrashaxiintii labada xisbi mucaarid waxana goboladaasi noqdeen kuwa loo aaneynayo in ay dhaliyeen guusha xisbiga kulmiye marka la eegay tirada codadka uu ka helay xisbiga kulmiye, lixda gobol ee waaweyn ayaa ahaa meelaha xisbiyadu ku kala baxay halka laba laba degmo-doorasho ay ahaayeen laf dhabar bidh-bidhaha u bakhtiisay tiradii xisbiyada mucaaradku isku geysteen isla markaana ka dhigeen mid wey daarisa guushii ay ku xisaabtamayeen.
 
Waxaana xisbiyada mucaaradka guul daradooda lagu fasiray inay dirteen diranayaal da,yar oo aan kala garaneyn deegaanada loo diray iyo siyaasiyiin kal hore ku guuldareystay siyaasada halka guusha xisbiga kulmiye lagu fasiray inuu dirtay jamaahiir culus oo dhitooyinka ay xidhaan da,yartu furi weydey, gobolka awdal oo la filayey in uu ku awood badan yahay xisbiga mucaaradka ee waddani ayaa is nuugay ka dib markii ay dhexda u xidheen ciyaar yahano reer kulmiye ah oo carbisan waxaana shaxdii lagu kala calaf qaadey, degmada gabiley ayaa iyana noqotay degmada badiba codbixiyaashi codka dhiibtay ay codkooda u haneeyeen kulmiye,
 
hargeysa ayaa ina ahayd xidigta lagu kala tagey oo iska kulmiye iska muujiyey isla markaana gobolka maroodijeex noqdey gobolka kaliye ee aan kulmiye cududiisa la isgabar taagin, halka gobolka saaxil uu noqdey isna mid kulmiye awood ku lahaa taas oo ciyaar yahanadii diranayaasha ahaa kaalin weyn ka ciyaareen, gobolka togdheer oo ahaa garoonka baratanka xifiiltan aan waxba layskula hadhina ka dhacay waxaa codkii mucaaradku filayeen la degtay jaamaahiir codkooda laga shaqeeyey wuxuuna haa gobola murrashaxa mucaaradku ka soo jeedo oo la filayey inuu cod badan ka keeno iyo xulufo kale oo mucaad ah isla markaana aan waxba yareysan balse waxaa ma daxa u dhigtay oo ka shaqeeyey raggi kulmiye dirtay iyo dadkii deegaanka,
 
Sarar ayaa iyana ahayd gobol kaalin weyn ka ciyaaray doorashadii dalka gaar aahan degmada caynaba oo raacsanayd gobolka sool waxay la degtay codkii gobolka sool, gobolka sanaag waxaa iyanala filayey in xisbga kulmiye lagaga xoog roonaado balse may dhicin oo wuxuuba noqdey gobol la shirabay oo ka muuqdey gobolada, ugu dambayna barilugadle ayaa isna noqdey gobol la jira dhanka muxaafidka.