QABYAALADA AYNU SI DHAB AH U AASNO, by proff Abdi rizak Baradho

0
Tuesday February 25, 2014 - 15:52:46 in by London Office
  • Visits: 2536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QABYAALADA AYNU SI DHAB AH U AASNO, by proff Abdi rizak Baradho

    Cida qabyaalada wadaa maanta maaha runtii siyaasiyiinta oo qudha xooga saaraysa Ee waa bulshada oo u hogaansan qabyaalada kana dhigatay diin ama dhaqan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cida qabyaalada wadaa maanta maaha runtii siyaasiyiinta oo qudha xooga saaraysa Ee waa bulshada oo u hogaansan qabyaalada kana dhigatay diin ama dhaqan

QABYAALADA AYNU SI DHAB AH U AASNO,

 

Waxaan halkan maanta kaga hadlayaa mawduuc  aad u muhin ah Waxaanan WAX ka odhan doonaa intii ilaahay iga garansiiyo aniga Insha allah mawduucani waa qabyaalada .Aqoonyahankeenu hore ayay uga hadleen qabyaalada kuna cadeeyeen suugaanMurti  maahmaahyo  (dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane)Maanta markasta oo jiritaanka soomaaliland aad aragto inay qabado Ka hor imanayaan  ama waxa dawadeena iyo dalkeena  wax kaliya ee eeb u soojiidaaWaa qabyaalada

Cida qabyaalada wadaa maanta maaha runtii siyaasiyiinta oo qudha  xooga saaraysa

Ee waa bulshada oo u hogaansan qabyaalada kana dhigatay  diin ama dhaqan

Lama taabtaan ah oo ku wayn agtooda .

Sidaasay tahay ma arkaysid cid cadaysanaysaa inta badan oo ku doonaysaa

Wanaag ama xumaan waayo waa wax qarsoon oo la qarsanayo (waxay

Soomaalidu ku maahmaahdaa waxaad qarsataaba way ku qarsadaan)bidaari sibiq ayay

Kugu gashaa waar hooy maanta xumaanteedu aad uguma muuqato bulshada oo wali waxay agtooda

Ka tahay wax caadiya .

Laakiin waxaan leeyahay waa masiibo soo socota oo u baahan in laga hortago dakuna aanay garanayn

Cidhib danbeedkeeda , sidoo kale nabigeenana  nnkh ayaa xadiis inoogu sheegay inay qabyaaladu

Tahay wax u raysaa oo waliba uu raaciyay ka taga way uraysaaye)

Habeen dhowayd waxaa muxaadaro ka hadlaysaa qabyaalada  maasidka layidhaahdo  madiina

Ee burco ku yaala ka soo jeediyay  culimo dhawr ah oo ka timid hargaysa uuna hormuud u yahay

Sh Maxamed Cumar Dirir alle khayr iyo xasanaadba haka siiyee

Waxay sheegeen in xitaa ay marayso oo ay ka gaadhay dadku maanta inay diintii iyo qofkii

Islaamka ahaa loo naco qabiil tusaale ahaan waxa uu shekhu yidhi sidan(waxaa dhacday ama dhacda in dadku muxaadarada ama khudbaaha diiniga ay dhagaystaan ka dibna markay dhamaato ayay iswaydiiyaan su aalo waar shiikhu wuxuu ahaa nin si fiican oo cajiiba inoo wacdiyay alle khayr ha siiyee

Niyaw yuu ahaa  dee reer qudhac  aar naga daa hadaa waxa)

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun bal kawarama)

Iyadoo ay ariintaas afadeeda aad uga hadleen abwaanadii hore ee soomalidu haddaynu tusaale  qaar kamida soona qaadano waxaa in badan oo inaga midi garanaysaa gabaygii abwaan tima cadde ee dugsi male qabyaaladi

  
                                       Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye

  Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

  Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye

  Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 

 Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka

 Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

 Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naaree

 Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 

 
.
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

 Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

 Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno

 Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

 Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane

 Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

  sidoo kale abwaanadii dhexe ayaa iyana kahadlay aan tusaale kale usoo qaato abwaankii caanka ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa arintaas isaguna aad ugu xiiqay isagoo inagala hadlayana wuxuu yidhi:

Dugsi male Qabyaaladi Waa dararta Baahida
Waa astaanta Dib udhaca Waa boog daloosha 
Dadka beerka Kaga Taal Duqsi qudhun kunooliyo 
Waxa fadha Qof daalina damqa oo ku joogsada.


markale ayuu haddana wuxu yidhi


Abkuu doono ha sheegtaa waxuunoo ehel ii ah
Dadka kaan af aqaano ee si wax iila arkaaya
eey na midaysay u jeedo.

markalena waakii lahaa

Uf qabiilka anaa leh waxuunoo ku ageedta
Qof iskii kartidisa isku taagi karaynin
Una haysta ateero malintuu danbi gaysto laga hoos galo eeda

sidoo kale saaxiibkii abwaankii isna caanka ahaa ee Ibraahin Gadhle ayaa isagoo arintaa ka jawaabaya wuxu yidhi,

GAARIYOW MA IISHOW

UF QABIILKA AAD TIDHI

HADDUU ADIGA KUU URAY

RAG KU UUNSADAA JIRA



Bal hada aynu eegno hal abuuradii danbe oo iyaguna arintaasi si wayn uga hadlay waxaan isna soo qaadanaynaa Abwaan Cabdiraxmaan M Cali UBAXLE oo isna aad inooga digaya dhibaatada qabyaalada inaguna boorinaya isku duubnida,

Marhaddaan adduunyadan mabsuud meelna lala joogin

Marhaddaan midnimo iyo kalgacal la isku maamuusin

Mar haddaan munaafaqad xun iyo muran la daynaynin

Marhaddaan madfacan igu dhiciyo dhiiga la mamnuucin

Marhaddaan mindiyo loo tumiyo soodhka laga maagin
Marhaddaan qabyaaladi kamadhan maamulkeed dhimaye

Muslin midiba midi saaranyiyo meel godaan ahaye
Abwaan ubaxle oo 
oo isna aad inooga digaya dhibaatada qabyaalada inaguna boorinaya isku duubnida markale wuxu yidhi

Ma huraan iswada dooxayoo maanlabaannahaye

Mumin iyo dadjaaraad tihiin meelna wada yaale

Midgta iyo bidixdaad tihiin kalama maarmaanne

Midqudhaad kawada siidhantiin maggaca soomaale

Ummadyahay mataanaadtihiin maydinaan garane

Marka uu libaax muuqdaybaa weere meel galaye

Dhaxaa colaad lagu madhaye mawfiq kaga dhaarta
Maggaceen hadaydaan dilayn midigta taageera
Iska moosa ceebtana intaan laydin maqal goorta
Ubaxle oo haddana dhaliilsan arintan aan laga ilbaxayn ee wali halkii uun lataganyahay wuxu yidhi,

Ummadyahay madluunkaad tahaan meel la jiifsadaye

Ummadyahay xanuun muuqdaybaad manta fidiseene

Cudur maanka kaa kaasoo ridaad nagu mudaysaaye
Meesha majoogina nin yidhi wuu ka meelmaraye

Intaydaan maruun nagu quficin meelkalaan tagiye

                                           Bulshayahay maroorbaa ku galay meelaad joogtaba e

Bulshayahay masiibiyo balaad malabsanaysaaye

Bulshayahay makhaayado jinbaad muran ku haysaaye

Bulshayahay adoo mahdqabaad mudhuxsanaysaaye

Bulshayahay mashxarad kaafogbaad meelkatumaysaaye

Bulshayahay maneeniyo jibaad madadsanaysaaye

Bulshayahay inaad meelmarteen haw malaynine e

Bulshayahay wixii maalmo dumay maydinaan dayine
bushayahay wixii meerto tegay meel kumaad dhigane

 

Sidaa si lamida abwaan weedh same ayaa isaguna leh,

Qabyaalada kaamamkeeda 
Waxaa kadalooba wiilal
Kolkaan arkayeen jalleecay
Sidaan ahay kiiniyaati
Qariib laga keenay koongo
Naftayda qalaan ku koobay.


Prepared by proff Abdi rizak Baradho