Taliyeyaasha Maraykanka Ma Diidi Karaan Haddii Uu Donald Trump Bixiyo Amar Weerar Nuyuukleer Ah

0
Tuesday November 28, 2017 - 10:31:44 in by Burco Office
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyeyaasha Maraykanka Ma Diidi Karaan Haddii Uu Donald Trump Bixiyo Amar Weerar Nuyuukleer Ah

    Taliyeyaasha Maraykanka Ma Diidi Karaan Haddii Uu Donald Trump Bixiyo Amar Weerar Nuyuukleer Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyeyaasha Maraykanka Ma Diidi Karaan Haddii Uu Donald Trump Bixiyo Amar Weerar Nuyuukleer Ah

Waxaa dhawaanahan la’isla dhexmarayay oraahda ah in taliyeyaasha ciidanka Maraykanka ay ku amar diideyn karaan madaxweyne Donald Trump haddii uu faro in ay sameeyaan duqeyn hubka nuyuukleerka ah.


Balse xaqiiqada waxaa soo faagtay BBC-da, halkana idinkula wadaagaysa sida xaajadu tahay.

Inkasta oo caadi ahaan aysan diidi karin amarka madaxweynaha, haddane taliyeyaasha waxa ay madaxweynaha weeydiisan karaan in uu sharaxaad maangal ah ka bixiyo amarkiisa iyo waxa loogu marmarsoonayo, waxayna fasax u haystaan in ay "maya” ku yiraahdaan haddii amarkaas uu yahay mid sharci darro ah.

Iyada oo bilihii dhawaa xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay aad sare ugu kacaysay, ayaa waxa ay dadka isweeydiinayeen waxa Trump ka hor istaagi kara in uu bixiyo amar weerar hubka nuyuukleerka oo uu ku qaado Kuuriyada Waqooyi.

Jeneraal hore oo hawlgab ah ayaa aqalka Congress-ka u sheegay in taliyeyaasha ciidammada ay amar diido ku samayn karaan Trump xaaladaha qaar.

Jeneraal John Hyten oo madax ka ah taliska istaraatiijiyadeed ee Maraykanka ayaa u sheegay golaha amniga caalamiga ah ee Halifax in uu isaga shaqsi ahaan ku talin lahaa in aanan la qaadin weerar nuyuukleer ah haddii loo arko in uu yahay sharci darro.

Balse ma jirtaa cid loo ogolaan karo in uu madaxweynaha amar ka diido?

Furayaasha sirta ah

Furayaasha sirta ah ee Nuyuukleerka waxa ay ku jiraan boorsadaas lasii wado, madaxweynaha ayaana markasta wata meel kasta oo uu joogoLahaanshaha sawirkaAFPImage captionFurayaasha sirta ah ee Nuyuukleerka waxa ay ku jiraan boorsadaas lasii wado, madaxweynaha ayaana markasta wata meel kasta oo uu joogo

Haddii Trump uu rabo in uu qaado weerar hubka nuyuukleerka loo adeegsanayo waa in uu marka hore dhawr arrimood kala tashadaa la taliyeyaashiisa.

Kadib ayuu amar siinayaa taliyeyaasha sarsare ee aqalka militariga looga taliyo ee Pentagon-ka si u u fuliyaan amarka.

Kadib waxa ay xaqiijinayaan in amarka soo gaaray uu yahay kii rasmiga ahaa ee madaxweynaha, iyaga oo madaxweynaha ay isweeydaarsanayaan furayaasha sirta ah oo ku qoran kaar loo yaqaano ‘buskudka’ oo uu madaxweynaha wato meel kasta oo uu joogo.

Amarka ayaa kadib loo gudbinayaa taliska istaraatiijiyadeed ee Maraykanka , taas oo isaguna usii dirayo furayaasha iyo amarkaba ciidanka gacanta ku haya hubka ( waxaana laga yaabaa in amarkaasi uu ka fulayo maraakiibta badda quusa ee gunjiska midkood). Kuwaas oo kadib gamaya gantaalada lagu rakibay hubka nuyuukleerka.

Ma jiraa qof ‘maya’ oran kara madaxweynaha?

Qaraar laga soo saaray qeybta cilmibaarista ee Aqalka Congress-ka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo kaliya uu yahay kan bixin kara amar lagu qaadayo weerar nuyuukleer.

Caadi ahaana ma jiro qof bixin kara amar ka hor imanaya kan madaxweynaha, taasna waxaa ugu wacan kaalintiisa ah taliyaha guud ee ciidammadda Maraykanka.

Aragti ahaana madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxweynaha xafiiska ka eryi kara haddii inta badan golaha wasiiradda ay isku raacaan in madaxweynaha uusan u qalmin xilka.

Balse marka ay noqoto in aragtidaasi la fuliyo waa wax ay adagtahay in la helo waqti ku filan oo la abaabulo codbixinta madaxweynaha kalsoonida lagala noqonayo, mar haddiiba uu go’aansado in uu bixiyo amar ah isticmaalka nuyuukleerka.

Peter Feaver oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Duke ee gobolka Carolina Waqooyi, ayaa sheegay in ay been tahay in Trump uu gami karo gantaal nuyuukleer ah si la mid ah sida uu u tuuro fariin boggiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha amar ayuu bixiyaa, kaas oo hoos u dhaadhaca, fulintana waxaa leh qof hoos jooga, haddii madaxweynaha uu jeneraalada wargaliyo, waxaa ka dhalana hanaan wada tashi oo balaaran, waxbo la’iskama sameeyo meeshan

Peter Feaver, bare wax ka dhiga jaamacadda Duke ee gobolka Carolina Waqooyi

"Madaxweynaha amar ayuu bixiyaa, kaas oo hoos u dhaadhaca, fulintana waxaa leh qof hoos jooga, haddii madaxweynaha uu jeneraalada wargaliyo, waxaa ka dhalana hanaan wada tashi oo balaaran, waxbo la’iskama sameeyo meeshan” ayuu intaas ku daray.

Waxa uu yiri Peter in madaxweynaha ay tahay in uu heysto sharciyad uu ku bixin karo amarkaas, sidaas oo ay tahay waxa uu markale u baahanyahay in uu qanciyo taliyeyaasha.

Amarada Sharciga Ah

Weeraradii Nuyuukleerka ee Maraykanka u geystey magaalooyinka Nagasaki iyo Hiroshima sanadkii 1945 ayaa geystey qasaaro aad u baaxad weynLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionWeeraradii Nuyuukleerka ee Maraykanka u geystey magaalooyinka Nagasaki iyo Hiroshima sanadkii 1945 ayaa geystey qasaaro aad u baaxad weyn

Jeneraal Hyten ayaa sheegay in haddii amarka nuyuukleerka uu yahay mid sharci darro ah, in uu isaga diidi doono fulintiisa.

"Haddii amarka fulineed uu yahay mid sharci daro ah , waxaad galaysaa xabsi, waxaadna xabsi gali kartaa noloshaada inta ka dhiman” ayuu yiri jeneraalka.

Weerarka nuyuukleerka maxaa ka dhigaya mid sharci darro ah?

Dadka qaarkood ayaa ku dooda in isticmaal kasta oo hubka nuyuukleerka uu yahay mid sharci daro ah, balse haddii muran la galiyo taas waxaa jiri kara xaalado gaar ah oo loogu marmarsoon karo isticmaalkiisa.

Anthony Colangelo oo ah bare sharciga ka dhiga jaamacadda Methodist ee Dallas, waxa uu qabaa in aragtida ah in hubka nuyuukleerka loo isticmaali karo xaalado gaar ah ay tahay arrin jabineyso shuruucda caalamiga ah ee sharciga bini’aadannimada.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada, dalalka waxaa laga rabaa in si mas’uulnimo ah ay u dhaqmaan xiliyada dagaalada, heshiisyadaasna waxaa wax ka saxiixay Maraykanka.

Sharcigaas waa la jabin karaa haddii isticmaalka nuyuukleerka lagu gaarayo ujeeddo in cadawga lagu baabi’iyo.

Balse taasi waa aragtida Prof Colangelo oo kaliya, wasaaradda difaaca Maraykanka waxa ay qiratay in isticmaalka Nuyuukleerka lagu hagayo sharciga dagaalka.

Haddii madaxweynaha uu bixiyo amar lagu ganayo gantaal nuyuukleer ah, qofka fulinaya amarkaas ayaa hadhoow loo qabsan doonaa dambi dagaal ah. Waxana ay xaq u leeyihiin in ay diidaan fulinta amarkaas.

Laakiin dhibka jira ayaa ah in qofkasta uusan garan karin amarka sharci darada ah iyo kan kale.

Tusaale ahaan shaqaalaha markabka gujiska ah ma heli karaan xogta iyo macluumaadka ay hayaan madaxweynaha iyo taliyeyaasha sare ee militariga, waxaana laga yaabaa in ay kala garan waayaan in amarka uu yahay mid sharci ah iyo mid aanan ahayn.

Prof Colangelo waxa uu sheegay in aysan wax habboon ahayn in shaqaalaha darajadooda hooseysa lagu dhiirogaliyo in ay su’aal galiyaan amarka madaxweynaha, haddii kale "heykalka militariga iyo kala sareynta oo dhan ayaa qalqal galaya”.

Haddii jeneraal uu diido amarka madaxweynaha, madaxweynaha shaqada ayuu ka ceyrin karaa, balse ninka jeneraalkaasi badalaya ayaa sidoo kale looga fadhiyaa in uu fuliyo amarka madaxweynaha.