MADAXWEYNAHA LA DOORTAY OO KULAN LA YEESHAY GANACSATADA SOMALILAND IYO NUXURKA WAXYAABIHII AY KA WADA HADLEEN

0
Tuesday November 28, 2017 - 15:13:33 in by Burco Office
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA LA DOORTAY OO KULAN LA YEESHAY GANACSATADA SOMALILAND IYO NUXURKA WAXYAABIHII AY KA WADA HADLEEN

    MADAXWEYNAHA LA DOORTAY OO KULAN LA YEESHAY GANACSATADA SOMALILAND IYO NUXURKA WAXYAABIHII AY KA WADA HADLEEN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA LA DOORTAY OO KULAN LA YEESHAY GANACSATADA SOMALILAND IYO NUXURKA WAXYAABIHII AY KA WADA HADLEEN

Hargaysa:-(afkashacabka) Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan la yeeshay ganacsatada Hargaysa

Kulanka oo ka qabsoomay guri ku yaala xaafadda Masalaha ee Koonfurta Hargeysa, ayaa waxa uu ka dambeeyay dalab ka yimid madaxweynaha la doortay oo doonayay inuu doorashadii ka dib kulan la yeesho ganacsatada beelaha Garxajis. Sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay madaxweyne ahaan inuu dhammeeyo wixii xanaf ah ee ay doorashadu reebtay islamarkaana uu kulankani ibo fur u noqdo wada shaqayn hor leh iyo in sidii uu balan qaadayba inuu dhagaysto wixii tabasho ah. Wuxuu kaloo sheegay madaxweynuhu inuu ku tallo jiro inuu kulan la yeesho Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), marka ugu horaysa ee ay suurtogal noqoto.

Sida uu warku sheegay xubno ka tirsan ganacsatadan oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna waxay madaxweynaha uga mahadceliyeen dedaalka uu sameeyay si uu kulankaasi u qabsoomo, waxaanay sheegeen inaanay doonayn arrimo gaar ah oo ah dano shakhsi balse ay madaxweynaha la doortay ka doonayaan cadaalad.

Xubnaha halkaas ka hadlay, waxay sheegeen inaanayn doonayn inuu cid gaar ah xilal ugu magacaabo, amaba aanay odhanayn sidaas iyo sidaas samee, balse ay madaxweyne ahaan marti uga yihiin cadaalad, isagoo maanka ku haya xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayn halkaas ka hadlay ayaa isna geestiisa, wuxuu balan qaaday in laga heli doono cadaalad, isagoo codsaday in lala shaqeeyo la iskana iloobo xanaftiika dhalatay doorashada.

Sida uu warku sheegay kulanka oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee uu madaxweynaha la doortay la yeesho ganacsato, ayaa u muuqda mid wax badan meesha ka saaray islamarkaana abuuray jawi cusub.