Aqalka cad ee Mareykanka oo beeniyay in Tillerson xilka laga qaadayo

0
Friday December 01, 2017 - 10:37:47 in by Burco Office
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka cad ee Mareykanka oo beeniyay in Tillerson xilka laga qaadayo

    Aqalka cad ee Mareykanka oo beeniyay in Tillerson xilka laga qaadayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka cad ee Mareykanka oo beeniyay in Tillerson xilka laga qaadayo

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in xoghayaha arrimaha dibadda Rex Tillerson, la qorshaynayo in xilka laga qaado .

Hadalka ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Rex Tillerson, uu sii hogaamin doono waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guud ahaan golaha wasiirada ay diirada saari doonaan in ay dhamaystiri howsha wanaagsan ee sanadkii kowaad ee maamulka madaxwayne Trump.

Afhayeen u hadshay wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ,Heather Nauert, ayaa sheegtay in madaxwayne Trump uu ku faraxsan yahay shaqada Mr Tillerson islamarkana uu xilka sii hayn doono.

Madaxwayne Trump ayaa horey xoghayahiisa arrimaha dibadda ugu dhaliilay in uu waqtigiisa ku luminayo wadaxaajood lala galo Kuuriyada Waqooyi .

Saraakiil ka tirsan maamulka madaxwayne Trump ayay saxaafada ka soo xigatay in agaasimaha CIA laga yaabo in uu badalo mr Mr Tillerson