Hordhac: Bayern Munich vs Paris Saint Germain – Kaliya Waxey Ku Dagaalmayaan Cidda Kusoo Bixi Karta Booska 1-aad, PSG Ayaana Ugu Cad-Cad.

0
Tuesday December 05, 2017 - 11:47:54 in by Burco Office
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Bayern Munich vs Paris Saint Germain – Kaliya Waxey Ku Dagaalmayaan Cidda Kusoo Bixi Karta Booska 1-aad, PSG Ayaana Ugu Cad-Cad.

    Hordhac: Bayern Munich vs Paris Saint Germain – Kaliya Waxey Ku Dagaalmayaan Cidda Kusoo Bixi Karta Booska 1-aad, PSG Ayaana Ugu Cad-Cad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Bayern Munich vs Paris Saint Germain – Kaliya Waxey Ku Dagaalmayaan Cidda Kusoo Bixi Karta Booska 1-aad, PSG Ayaana Ugu Cad-Cad.

aacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Cuneyt Cakir (Turkey)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Paris Saint Germain oo marti ku ah gobolka Bavaria ayaan wax dhibaato ah qabin kaliya waxey weynayaan Thiago Motta, waxeyna doonayaan iney kasoo kabtaan guuldaradii kasoo gaartay kooxda yar ee RacinStrasbourg inkastoo ay 9-dhibcood ku hayaan horyaalka.

Unai Emery ayaa isbadal weyn ku sameyn doona kooxdiisa waxaana la filayaa inuu weerarka kusoo wada bilaaboEdinson Cavani, Kylian Mbappe iyo Neymar.

Dhinaca kale tababareJupp Heynckes ayaa la filayaa inuu kusoo bilaabo James Rodriguez, dhibaatooyin badan ayaa heysta waxaana dhaawac kaga maqan Arjen Robben, Manuel Neuer iyo Thiago Alcantara, balse waxaa qaab ciyaareed fiican lasoo baxay Coman.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Bayern Munich waa iney 4-gool farqi ah ku garaacdaa PSG si ay ugu soo baxdo booska koowaad ee group-ka B.

Bavarian guul ayey gaartay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay Paris Saint Germain kusoo dhaweyso gurigeeda iyadoo kaga badisay isku cel-celis 7-1.

Robert Lewandowski ayaa u dhaliyay Bayern Munich 19-gool dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan, waxaana ku jirta 2-gool oo Champions League ah.

Bayern loogama adkaan gurigooda tan iyo markii uu soo laabtayHeynckes.

Neymar Junior ayaa dhaliyay 15-gool, 17-kulan oo uu kooxdiisa u saftay dhamaan tartamada oo dhan tan iyo markii uu kusoo biiray PSG.

Shaxda Macquulka Ah:

Bayern Munich:

Ulreich; Kimmich, Hummels, Boateng, Alaba; Martínez, Vidal, Tolisso; Müller, Coman, Lewandowski

Paris Saint Germain:

Areola; Dani Alves, Thiago Silva, Marquinhos, Kurzawa; Rabiot, Verratti, Draxler; Mbappé, Cavani, Neymar