Daawlada Ingiirska Oo Shegtaya Inay Lashaqayn Donaan Madaxawaynaha Cusub Ee Soomaliland Iyo Ariimo Kale Oo Ku Sabsan Somalialnd

0
Tuesday December 05, 2017 - 18:17:28 in by Burco Office
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawlada Ingiirska Oo Shegtaya Inay Lashaqayn Donaan Madaxawaynaha Cusub Ee Soomaliland Iyo Ariimo Kale Oo Ku Sabsan Somalialnd

    Daawlada Ingiirska Oo Shegtaya Inay Lashaqayn Donaan Madaxawaynaha Cusub Ee Soomaliland Iyo Ariimo Kale Oo Ku Sabsan Somalialnd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawlada Ingiirska Oo Shegtaya Inay Lashaqayn Donaan Madaxawaynaha Cusub Ee Soomaliland Iyo Ariimo Kale Oo Ku Sabsan Somalialnd

Dawladda Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaaday Inay La Shaqaynayso Madaxweynaha Cusub Ee Ay Doorteen Shacabka Somaliland.

Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay si dhow ula shaqaynayso madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib doorashadii madaxtooyada.

 

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Rory Stewart, ayaa sheegay in masuuliyiinta Ingiriisku ay mudadii lagu jiray ku dhawaaqista natiijada doorashada xidhiidh la sameeyeen dhammaan saaxiibada Somaliland oo ay u cadeeyeen ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalaal ahi, "Intii hawsha lagu gudojiray waxa ay masuuliyiintayadu la xidhiidheen saaxiibada Somaliland si aanu u cadayno ahmiyada ay leedahay doorasho xor iyo xalaal ahi iyo weliba balanqaadka inaanu la shaqayno madaxweynaha cusub ee sharciga ah, si ay dadka reer Somaliland uga faaiidaan.”

 

 

Wasiirku wuxuu sheegay in safiirkooda Muqdisho danjire David Concar, uu kulan la yeeshay 24 November madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo uu ku bogaadiyay guusha uu gaadhay. Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay doorashadii Somaliland iyo doorka Ingiriiska ee xidhiidhada ay la samaysay saaxiibada Somaliland.

 

 

Dawladaha reer galbeedka, ayaa u muuqda inay soo celinayaan wada shaqayntii ay la lahaayeen dawladda Somaliland, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November. Doorashooyinkii dib u dhacay, eeddo musuqmaasuq oo loo jeediyay xukuumadda talada sii haysa ee madaxweyne Siilaanyo iyo tacadiga saxaafadda ayaa wiiqay xidhiidhkii adkaa ee Somaliland iyo dalalka reer galbeedka. Waxase hadda la dareemayaa in reer galbeedku diyaar u yihiin inay soo celiyaan xidhiidhkaas.