Kulan Dhexmaray Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Suldaan Maxmed Xirsi Qani +Arimaha Laga Wada Hadlay.
Madaxweynaa la doortey ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay waxaauu kulan fool ka fool ah la yeeshay suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland isla markaana ah suldaanka guud ee Beesha Habaryoonis .
Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas Hargeysa ka qabsoomey , lakiin warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa sheegaya in kulankaas qabsoomidiisa uu lahaa madaxweynaha la doortey ,lana xidhiidhay daaweynta xanaftii ay doorashadu reebtay .
Suldaan Xirsi Qani ayaa isna la sheegay in uu geestiisa uu balan qaadey in uu ka hawl galaayo sidii umada la iskugu soo dhaweyn lahaa , waxaana uu sheegay in ka madax dhaqameed ahaan ay waajib ku tahay isku soo dhaweynta umada , geesta kale waxaa maaanta qabsoomaya kulan labaad oo la filaayo in madaxweynaha la doortey uu la yeesho ganacsatada iyo madax dhaqameedka beelaha Garxaajis .
SOURCE Wargayska Geeska Africa