Cadho Ka Dhalatay Go'aankii Donald Trump Ee Magaalada Qudus Iyo Calanka Maraykanka Oo La Gubay.

0
Thursday December 07, 2017 - 11:15:08 in by Burco Office
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadho Ka Dhalatay Go'aankii Donald Trump Ee Magaalada Qudus Iyo Calanka Maraykanka Oo La Gubay.

    Cadho Ka Dhalatay Go'aankii Donald Trump Ee Magaalada Qudus Iyo Calanka Maraykanka Oo La Gubay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadho Ka Dhalatay Go'aankii Donald Trump Ee Magaalada Qudus Iyo Calanka Maraykanka Oo La Gubay.

Cadho aad u xooggan ayaa ka dhalatey go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu habeenkii xalay ku dhawaaqey ee uu sheegay in magaalada barakaysan ee Qudus ay tahay caasimadda dowladda Israel.


War ka soo baxay Boqortooyada Sucuudiga ayaa go’aankaas ugu yeertay ‘mid masuuliyad darro ah’ .

Dowaldda Turkiga iyo Jaamacada Carabta ayaa ku baaqey shir deg-deg ah oo looga arinsanayo go’aanka DOnalsd Trump uu ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel.

Sidoo kale Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqey shir degdeg ah kaas oo dhacaya maalinta Jimcada ee beri.

Hoggaamiyaal badan oo caalamka ka mid ah ayaa Trumnp uga digay go’aanka uu qaatey waxaana ay ku tilmaameen in bariga dhexe yahay meel aad xasaasi u ah oo aan la qaadan karin go’aan caynkaas oo kale ah.

Madaxweynaha Dowladda Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa sheegay in ay meesha ka baxdey wixii loogu yeeri jirey geeddi socodka nabadda ee Maraykanku ka dhex wadey falastiin iyo Israel, Cabbaas ayaa sheegay in Qudus ay tahay caasimadda Dowaldda falastiin waxd gorgortan ahna aan laga geli karin, xaaladda ay hadda ku jirtaana ay tahay magaalada Israel qabsatey. Maamulka Xamaas ee marinka Qasa ayaa sheegay in go’aanka Trump ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel uu furayo albaabka cadaabta.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Turkiga Cavusoglu ayaa sheegay in tani ay tahay gefkii u weynaa ee Maraykanku galo taas oo caalaamka dhan ka soo horjeedo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in go’aanka Donald Trump uu yahay dib u socod kaas oo Faransiisku aanu wax taageero ah u hayn, wuxuu ku tilmaamey mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraaradii Qaramada Midoobey.

Dadka ka faalooda arrimaha Maraykanka ayaa sheegaya in Trump aqoonsado Qudus in ay tahay caasimadda Israel ay tahay mid la xiriirta siyaasadda gudaha ee Maraykanka. Donald Trump ayaa noqdey Madaxweynihii ugu shacbiyadda yaraa ee Maraykanka soo mara sanadkii u horeysey ee xukunkiisa, waxaana hareeyey fadeexadda xiriirka Ruushka iyo saraakiishii ololihiisa doorashada, taas oo todobaadkii u danbeeyey saxaafadda Maraykanku si weyn uga hadleysey, kadib markii mid kamid ah la-taliyaashii Trump uu qirtey in uu yahay denbiile, Trump ayaa ololihiisa doorashada ku ballan qaadey in safaaradda Maraykanka uu geyn doono Qudus, horey uma dhicin in Madaxweyne Maraykan ah uu ku dhiirado arrintan oo kale, waana qorshe uu ku raali gelinaayo dadka Yuhuuda, iskuna tilmaamayo in uu yahay nin fulin kara waxaan horey loo fulin.