Boris Johnson oo kala hadlaya Iran sii deynta haweeney Britain ah

0
Sunday December 10, 2017 - 09:59:20 in by Burco Office
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boris Johnson oo kala hadlaya Iran sii deynta haweeney Britain ah

    Boris Johnson oo kala hadlaya Iran sii deynta haweeney Britain ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boris Johnson oo kala hadlaya Iran sii deynta haweeney Britain ah

Wasiirka arraimaha dibadda ee Britain Boris Johnson, ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo caasiamaddda Tehraan galinka dambe ee maanta madaxweynaha Iran Xasan Rooxani.

Boris Johnson ayaa kala hadli doono madaxda Iran sii deynta haweeney u dhalatay Iran balse haysatada dhalashada Britain.

Nazanin Zaghari-Ratcliffe, oo ka mid ah dadka magaca dheer ee ku xiran Iran ayaa wajaheysa suurtagalnimada in markale maanta loo soo taago maxkamada eedeymo hor leh.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha siyaasadda ayaa soo sheegaya in xirriirka u dhaxeeya Britain iyo Iran uu soo hagaagayay sanadihii lasoo dhaafay.

Iran ayaa ku qanacsan sida Britain ay fulineyso uguna taagan tahay heshiiskii niyuuklerka ee ay kal saxiixdeen, inkasta oo laga casbi qabo in maamulka Trump uu heshiiskaasi marin habaabiyo.