Wadada Isku Xidhta Muqdisho Iyo Afgooye Oo Xidhan Iyo Isbaarooyin Cusub Oo La Soo Dhigay

0
Sunday December 10, 2017 - 11:15:42 in by salman abdi
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadada Isku Xidhta Muqdisho Iyo Afgooye Oo Xidhan Iyo Isbaarooyin Cusub Oo La Soo Dhigay

    Waxaa saaka hakad ku jira isu socodka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyada oo Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee waddadaas ka shaqeeyana ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saaka hakad ku jira isu socodka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyada oo Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee waddadaas ka shaqeeyana ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.

Wadayaasha ayaa sababta ku sheegaya in waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye la soo dhigay jidgooyooyin kale oo lacago badan looga qaado Gaadiidka adeegsada waddadaasi.

 

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale dhigay dibadbax iyaga oo ka cabanaya dhibaatada ay kala kulmaan Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Boqolaal qof ayaa maalin waliba isaga kala goosha Waddadan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee Muqdisho ka baxa waxaana ay aaddaa Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo Khudaarta iyo xoolahaba ay ka soo galaan Magaalada Muqdisho.

Jidgooyooyinka cusub ayaa la dhigay deegaanka Lafoole oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo uu ka arrimiyo maamul hoostaga Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wadayaasha gaadiidka oo soo dhigtay Baabuurtooda meelo kala duwan, ayaa wadada laamiga ah waxa ay ka dhigayaan Banaanbax cabasho ah oo ku aadan jidgooyooyinka cusub ee wadada la soo dhigay.