Daawo:Xildhiban Bukhaari oo sii adkeeyey hadalkii wasiir cukuse kana jawabay dhawaaqyada mucaaradka ee la xidhiidha in xukuumaddu ka gaabinayso diwangelinta si doorashada dib ugu dhacdo

0
Thursday July 31, 2014 - 18:15:53 in by Super Admin
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Xildhiban Bukhaari oo sii adkeeyey hadalkii wasiir cukuse kana jawabay dhawaaqyada mucaaradka ee la xidhiidha in xukuumaddu ka gaabinayso diwangelinta si doorashada dib ugu dhacdo

    Xildhibanku wuxu sheegay inu xukuumaddu diyaarisay xeerkii diwangelinta codbixiyaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibanku wuxu sheegay inu xukuumaddu diyaarisay xeerkii diwangelinta codbixiyaasha.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka mid ah Mudanayasha Golaha wakiilada ugu jira xisbiga KULMIYE, ayaa beeniyey in xukuumaddu ka caga jiidayso in xeerka cod-bixiyayaasha la hor-keeno Golaha wakiilada.

Xildhibaan Bukhaari oo maanta saxaafaddu waydiisay waxa ka jira in xukuumaddu ka caga jiideyso inay xeerka cod-bixiyaasha hor-geyso Golaha wakiilada, ayaa sheegay in aanay arintaasi waxba ka jirin, isla-markaana dhawaan la hor-keenayo.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi "Xukuumaddu mowqifkeeda way caddeysay iyo in wakhtigeeda lagu qabanayo doorashada, xeerkii diwaangalinta cod-bixiyayaasha iyo weliba xeerkii diwaangalinta Muwaadiniintaba gacantaa lagu hayaa, xeerka diwaangalinta cod-bixiyayaashana marka Golaha Wakiiladu furmo (ayaa la gudo galayaa)..”


Xildhibaanku, waxa kale oo uu sheegay "Golahayagana inta badan waxay xeerarku kaga yimaadaan Xukuumadda oo soo curisa, sababta oo ah Komiishanka iyo xukuumadduba arrintan wada shaqeyn-bay ka leeyihiin, wasiirraduna Khamiistan ama khamiista dambe ayay ansixinayaan, Golahayana waxa la furayaa Sabtida, sida qorshuhu yahayna xeerka cod-bixiyayaashu wuu yaallaa Sabtidaba.” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Haddaanu nahay xildhibaannada KULMIYE ee Golaha wakiiladuna si waafaqsan xeerkan sida ugu wanaagsan ama la mid ah xeerarka kale ayaanu uga u shaqeynaynaa, waxaanuna isku dayeynayaa inuu si habsami ahna uu Golaha u maro oo laga baaraan dego”